Dacwadda Boqor Buurmadow Oo La Soo Gabagabeeyay

0
1,251 views
Maxkamadda Racfaanka Oo Xukuntay Buurmadow
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow

Dacwadda Boqor Buurmadow Oo La Soo Gabagabeeyay

Hargeysa(Sayruuq) Dhegaysiga dacwadda Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayay maxkamadda racfaanka ee Hargeysa maanta soo gabogabaysay kadib markii maxkamadda gobolku 26 April 5 sannadood oo xadhig ah ku riday. Waxa hadda la sugaya xukunka ay maalmaha soo socda soo saarayso maxkamadda racfaanka oo dhegaysi laba cisho qaatay soo afjartay.

 

Waxa Khamiistii Maxkamadda racfaanka ee Hargeysa ka bilaamay dacwadda Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo racfaan ka qaatay xukun 5 sanno ah oo 26 April lagu riday. Buurmadow oo ay difaacayaan 3 Qareen waxa dacwad ku oogay laba Qareen oo xeer ilaalinta ka socda waxaanu ku eedaysan yahay in uu madaxweynaha been farriimay hadallo Qaranka lid ku ahna uu ka jeediyay Puntland laakiin, Qareennadiisu niyad samaan ayay ka muujiyeen sida dhegaysiga racfaanka.

Waxa la eegaya go’aanka maxkamadda iyada oo ay isa soo tarayaan dalabyada ku saabsan in boqorka la cafiyo ee madaxweynaha loo jeedinayo.

“Dawladihii hore Waxay i Xidhi Jireen Anigoo Mucaarid ku ah lkn Dawladani waxay i xidhay Anigoo Muxaafid Ah.”Buurmadow

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here