Home Somali News Dabuubta Kulmiye iyo Doodda Waddani Ee Qaraarka Maxkamadda Sare

Dabuubta Kulmiye iyo Doodda Waddani Ee Qaraarka Maxkamadda Sare

10 min read
0
0
242

“Maxkamadda Sare waxay lumisay awood Dastuurku siiyey, waxaanay muujisay Madax-bannaani la’aan.. Markay Garnaqa diidaan Maxkamadda Sare Cidda ka Masuulka ahi Ma Waxay doonayaan in..?” Barkhad Jaamac Batuun

Hargeysa(Sayruuq):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay Qaraarka Maxkamadda sare ee Somaliland dib ugu celisay Golaha Wakiillada Dacwad uu 8-dii bishan u gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo la xidhiidha muranka iyo madmadawga ay ka muujiyeen Talyanle iyo Xildhibaannadii u codeeyey Lixdii bishan oo ay Kursiga Guddoomiyaha Golahaas ku tartameen Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Talyanle iyo Xildhibaannadii u codeeyey, ayaa Dacwad ka dhan ah natiijada codayntii doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee ay Baashe ku tartameen u gudbiyey Maxkamadda Sare, markii uu Talyanle ku dooday in hal cod laga musuqay, isla markaan 39-ka Cod ee Shir-guddoonkii fadhigaasi ugu dhawaaqay Baashe uu Talyanle ahaan helay, balse lays-waydaariyey Codadkii uu helay iyo Kuwii Baashe helay. Hase-yeeshee, Maxkamadda Sare ayaa Sabtidii Qaraar ku soo saartay inaanay Dacwaddaasi ahayn mid Dastuuri ah, soona jeedisay in Golaha Wakiilladu Xeer-hoosaadkooda ku dhammaystaan arrinta.

Haddaba, Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani oo ay ka soo kala jeedaan Xildhibaannada ku muransan doorashadaas Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa ka hadlay shalay arrintaas, waxaanu Xisbiga talada haya ee Kulmiye sheegay inay Golaha Wakiilladu dhexdooda ka dhammaysan karaan khilaafka jira, wakhtigan laftiisana ay Xildhibaannada Wakiilladu ku guda-jiraan xallinta khilaafkaas. Balse, Waddani ayaa Sharci ahaan u naqdiyey qaraarka Maxkamadda Sare, isla markaana ku tilmaamay qaraar ay ku lumisay awood Dastuurku siiyey Maxkamadda, kuna muujisay madax-bannaani la’aan haysata.

Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo Saab TV u warramay shalay, ayaa sheegay in Xisbigoodu aanu wax faro-gelin ah ku haynin doorashadii Golaha Wakiillada, Natiijada ka soo baxday iyo khilaafka ka dhashay toona, waxaanu yidhi; “Xisbiyada Mucaaridku waxay had iyo gooraalle eeddeeyaan Xisbul-xaakimka Kulmiye, waa arrin iska soo jireen ah, Annaga Golaha Wakiilladu way naga Madax-bannaan yihiin oo Annagu ma xukunno, balse Xildhibaanno ayaannu ku leenahay oo Xildhibaannada Golaha Wakiilladu Xisbiyo ayay ka soo baxeen oo waannu la shiri karnaa, talooyin waannu is-weydiin karnaa. Laakiin, arrinka ka socda Golaha Wakiillada wax faro-gelin ah oo aannu ku haynaa ma jirto, meel wax fara-gelin ahi ka dhacdayna may jirin oo doorasho ayey ahayd iyaga dhexdooda ah. Markaa, wax allaale iyo wax fara-gelin ah oo aannu ku haynaa ma jirto.”

Axmed Cabdi Dheere oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey siduu u arko in Maxkamaddu dib ugu celiso Golaha xalka khilaafkaas iyo sida xaalku noqon karo, waxa uu yidhi; “Taasi waa arrin Golaha u taalla ka tashigooda, immikana way ku guda-jiraan Maxkamadda ayey u gudbiyeen (Golaha ayey Maxkamadduna dib ugu soo celisay xallinta murankaas), wax Xisbiyada u yaalla maaha, waxay u taallaa Golaha Wakiillada, sida aan rejaynaynana waa wax ay ka heshiin karaan Golaha Wakiilladu. Xildhibaanka u sharaxnaa Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye immikana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiillada (Baashe Maxamed Faarax) waannu taageersannahay, waa Xildhibaan oo xaq ayuu u leeyahay innuu isa-sharraxo, Kuwa ka baxayna waa dimuquraaddiyad oo waxay ahayeen Xildhibaanno Kulmiye ah oo Qofku xaq buu u leeyahay meesha uu doono inuu maro oo dimuquraadiyadda ayaa inna faraysa sidaa, markaa, waxaannu odhaynaa ma jirto.”

Geesta kale, Xoghayaha Cadaaladda iyo Garsoorka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa ka hadlay qaarka Maxkamaddu dib ugu soo celisay Golaha Wakiillada Dacwaddii Xildhibaan Talyanle u gudbiyey, waxaanu sheegay inay Maxkamadda Sare burisay awood Dastuuri ah oo ay leedahay, isla markaana ay muujisay inaanay madax-bannaani haysan, waxaanu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan bayaamiyo, Maxkamadda waxa lala galay muu ahayn Kiis dembi culus ah, Kiis madani ah oo darafyo ka dhexeeyey iyo Kiis ciqaab ah midna muu ahayn, ee waxa uu ahaa Kiis Maamul, Dacwadaha Maamulna cidda ka garnaqdaa maaha Maxkamadaha hoose ee waa Maxkamadda Sare. Waxay Shalay Maxkamadda sare lumisay awooddeedii Dastuuriga ahayd, waxaanay Ummadda u caddaysay oo u bayaamisay inaanay Madax-bannaani Garsoor oo dalka ka jirtaa haba-yaraatee aanay jirin. Xaqiiqda meesha taallay waxay ahayd Dacwadda Maxkamadda loola galay inay fasiraad sharci ku samayso Qodob Dastuuri ah, inay fasiraad ku samayso Xeer-hoosaadka Baarlamanka iyo inay laba Qof kala saarto toona.”

“Laakiin, waxa loola galay ee ay Talyanle iyo Xildhibaannadii taageersani u gudbiyeen Dacwad ah in Xatooyo dhacday oo Codayntii Golaha Xatooyo lagu sameeyey, Kursiga Guddoomiyuhuna aanu weli xalaaloobin. Maxkamadda waxa laga filayey Dhibbanaha Dacwaddaas ula tegay markay ka aqbalaysay in Galka Dacwadda la furo, waxay ahayd inay u yeedho Cidda eedda laga sheeganayo, Garnaqa la sameeyo, muddo la dhegaysto, ka dibna go’aan la soo saaro, waa Awoodaha Dastuuriga ah ee ay Maxkamaddu leedahay. Markaa, haddii Maxkamaddii Sare ay leedahay kama Garniqi karno Dad is-haya, kama garniqi karno ciqaab Golaha Wakiillada dhexdiisa ka dhacday oo Xatooyo ah, hadday leedahay kama garniqi karno mashaakilka Laamaha dawliga ah, ma waxay doonaysaa Maxkamadda Sare iyo Cidda ka masuulka ahi in la iskula noqdo Geedaha Hoostooda oo Hab iyo Hannaan Qabiil oo Somaliland ka soo gudubtay in wax lagu dhammaysto?” sidaa ayuu yidhi Barkhad.

Barkhad Jaamac Batuun, waxa uu sheegay inay tallaabadan Maxkamadda Sare qaadday Xisbi ahaan ficil aan wanaagsanayn u muujinayso, waxaanu yidhi; “Annaga Xisbi Waddani ahaan waxay signal bay noo bixinaysaa arrintani oo wax bay noo muujinaysaa, maaddaama oo uu dalku galayo xaalad Xasaasi ah oo Mawjado tan Wakiillada ka wayni soo socdaan, in Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garsoorayaashiisu sidaa yeelanna maannaan filaynin. Waxa noo muuqata arrin aad u fool-xun oo Qaranka laf-jab ku ah oo qiimaha Garsoorka bahdilay, Dhibbanayaasha arrintaasi ku dhacdayna waannu ka tacsiyadaynaynaa. Waxaanannu ku baaqaynaa Maxkamadda sare in Sharafteeda, qiimeheeda, Madax-bannaanideeda iyo Haykalka Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah in la ilaaliyo.”

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Somali News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo shirballaadan ku soo bandhigtay qorshaha waxqabadeeda arrimaha Tamarta (Sawirro)

Hargeysa (Sayruuq)-Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa si weyn u soo bandhigta…