Daawo:Maansadda Xamar Ee Abwaan Dheeg

0
75

“Dadka Inay Xasuustii Caqligu Xaaxiyow Dhimatay
Oo Xiskii wax kala sooci jiray Uunka ka xumaaday
Waxba yay Raggii Xeerin iyo Xoolihii Lumay
Dadkan Xaafadihii wada burburay oon Wali La Xayndaabin
Guryo Aan Xagii Sare La Dadin Xalay ka soo Toosay
Ee Saaka Xamar Doonaya Muxuu Ku Xiiseyey
Xoontay Dugaag ku Arkayaan Xoolahaan Galine
Xayaawaano Bahalaha Wax Cuna Lama Xaroodaane
Soddan Sanno Xabaal Duur ku jiray Meel Xabsiyo Jeel ah
Waadiga Xoroobaye Ilaahay ku Xamdi mooyaane
Ma Xashiish Cabaa Ku Halkii Dib Ugu Wan Ku Xiisay​
Xalayna Lama Abuurine Shacbigu waa is Xog-Ogaale
Xidigaha Lixda ah waa ogyihiin Xaawalayduye
Waar yaa Loo Xayeysiinaya Xamartu Waa Tiiye
Xugufada Dameeruhu Rartaa Waxay Xogtii sheegtay
xurguf hadaan lala dhacay Xoogna lagu maalin
Oo Aan Xanuun Loo Uleeyn Xadhig Ma Qaadaane
Dadkana xaaladda inuu shabaho Waxa u Xaqiiqdiya
Ummadii Xunyow Xumuhu Dhalay Loo Xaraga Caayay
Iyagoo Xay oo dhiman Kuwii Nolol Xabaalayay
Raggi Xil iyo Maal wuxuu laahaa Maalin laga xoogay
Ee inay Xusuustaan ku Waday Xumihii loo gaystay
Maantana Hadii Loo Xodxoday Meeshi Lagu Xaaqay
Oo Lagu Xakaafsaday Markale oonay kaba Xanaaqeynin
Ooney Xaad Dhaqaadiyo leyhn Ficil Xaraareya
Xoolaha kama duwana Aadmiga Xaaldaasiya
Xaliimkaan ku Dhaarte iyo Allehi Xaakimka ahaaye
iska daa Xidhiidh Igu Dara iyo Xuluf wadaagoode
Hadalkaan Xagoodi U gartaan Ka Xumadooda  .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here