Daawo: Wasiirka Hawlaha Guud Oo La Waydiiyay In Guriga Maxamuud Xaashi La Diwaangelinayo

0
617 views

Daawo: Wasiirka Hawlaha Guud Oo La Waydiiyay In Guriga Maxamuud Xaashi La Diwaangelinayo
Wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa tafaasiil ka bixiyay hawlgalka lagu diwaangelinayo hantida qaranka oo todobaadkii u dambeeyay socday, islamarkaana soconaya muddo saddex todobaad ah.

Hadalka wasiirka ayaa yimid markii maalmihii u dambeeyay saxaafaddu baahisay in shaqaalaha wasaaradda oo doonayay in ay hanti Qaran u diwaangeliyaan hoyga wasiirkii madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi la hor istaagay. wasiirka oo la waydiiyay in wasiirrada hore diidan yihiin in guryihii ay xukumaddii hore ka heleen laga soo celiyo wuxuu sheegay in cidda haysata warqad madaxweyne ku siiyay guriga aanay diwaangelin doonin laakiin, ciddii kaleba la diwaangelin doono.
Arrintan ayaa imanaysa iyada oo todobaadkii hore saxaafaddu baahisay kulan dhexmaray Maxamuud Xaashi iyo Boqor Buurmadow waxgarad ay hoggaaminayaan iyo madaxweynaha kaas oo lagaga wada hadlay sidii diwaangelinta looga reebi lahaa ilaa 8 guri oo xukumaddii hore bixisay laakiin, sharciyaddoodu aanay dhammaystirnayn lamana oga in guryaha aan sharciyadoodu dhammayn uu ku jiro qasriga Maxamuud Xaashi Cabdi ka helay xukumaddii Siilaanyo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.