Daawo: Wasiir Sacad Cali Shire Oo Si Adag Uga Hadlay Wasiir Soomaaliya Ah Oo Ku Sugan Gobolka Sanaag

0
144 views
Dr Sacad Oo Ka Hadlay Heshiiska Dekedda Berbera

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maalmihii u dambeeyay joogay bariga gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland. Socdaalkiisa ayaa yimid maalmo ka hor inta aanu Madaxweyne Farmaajo Puntland iman iyada oo la filayo in uu ilaa 8 bishan yimaaddo waxaana jirta hadal hayn ah in Soomaaliya maamul u aqoonsanayso dad mucaarad ah oo ka soo jeeda gobollada bariga Somaliland.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta joogo Badhan oo gobolka Sanaag ah si aan u qiimeeyo heerka nabadda iyo horumarka ee gobolka. Kulammo muhiim ah Ayaan la qaatay dhammaan qaybaha bulshada,” Sidaas ayuu wasiirka qorshaynta Soomaaliya ku qoray boggiisa Twitter-ka subaxnimadan Arbacada.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa si adag uga soo horjeestay imaanshaha wasiirka Soomaaliya ee gobollo Jamhuuriyadda Somaliland ka tirsan. Waxa uu ku tilmaamay xad gudub.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.