Daawo Sawirrada Jabuuti Oo Daadku Saameeyay

0
599 views
Daawo Sawirrada Jabuuti Oo Daadku Saameeyay

Daawo Sawirrada Jabuuti Oo Daadku Saameeyay

Roobabka mahiigaanka ah ee dabaylaha wata ayaa saamayn naf iyo maalba leh ku yeeshay xeebaha Somaliland, Somalia iyo Jabuuti. Somaliland ku dhawaan 20 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen xeebaha siiba gobolka Awdal, halka dhimashada xoolaha, baaba’a dalagga iyo doomaha daadku qaaday yihiin khasaare aan xad lahayn.

Sidoo kale waxay saamayn laxaad leh ku yeesheen xeebaha maamulka Puntland ee Soomaaliya iyaga oo u gudbay ilaa magaalada Muqdisho ee xarunta u ah Soomaaliya.

Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayuu daadku mulacyeeyay sida ka muuqata sawirro uu baahiyay wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaaleh. Waxa uu sheegay in aanu jirin khasaare nafeed laakiin, khasaare hantiyeed ay gasteen daadadku waxaanu tilmaamay in ay tahay wakhtigii la qiri lahaa saamaynta isbedelka cimilada.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.