Daawo: Milatariga Shiinaha Oo Markii U Horaysay Dabrid Toosa Ku Samaynaya Jabuuti

0
52 views

Jabuuti(Sayruuq) Ciidamada Militariga China ayaa Jimcihii dhoollatus iyo toogasho tababar ah ku sameeyay dalka Jabuuti. Jabuuti oo ah dalkii u horeeyay ee Shiinuhu ka furto Saldhig Militari waxa laga jooga in ka yar laba bilood markii ciidamadiisa lagu daahfuray Saldhigooda Jabuuti.
Warbaahinta Shiinaha ayaa Isniintii faafisay tababarka tooska ah ee ciidamadu qaateen Jimcihii waxaanu tababarku ka dhacay xarunta tababarka gendarmerie-ga Qaranka waxaana qayb ka ah daraasiin saraakiisha Shiinaha ah, gaadiid dagaal iyo hubka noocyadiisa.
Shiinaha ayaa daahfuray Saldhiggiisa Jabuuti 1-dii August kadib hal sanno oo dhisme ku socday waxaana joogaya tobaneeyo kun oo ciidamadiisa ah kuwaas oo qayb ka ah ilaalinta hawlgallada ammaanka ee badaha Yemen iyo Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu Saldhigani qayb ka yahay kobaca dalka Shiinaha ee dhinaca dhaqaalaha iyo Militariga.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.