Daawo: Kulanka Taariikhiga Ee Dunida Qabsaday Saaka

0
212 views
Daawo: Kulanka Taariikhiga Ee Dunida Qabsaday Saaka

Daawo: Kulanka Taariikhiga Ee Dunida Qabsaday Saaka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un ayaa goor hore oo saaka ah yeeshay kulan taariikhi ah oo ka dhacay Singapore. Is gacan qaadka labada hoggaamiye ayaa indhaha dunida soo jiitay waxaana si weyn loogu faafiyay warbaahinta caalamka.

Labada hoggaamiye ayaa la rajaynaya in ay ka wada hadlaan hub ka dhigista Waqooyiga Kuuriya ee hubka Nukliyeerka iyo in dhinacyadu isla qaataan hannaan nabadeed maaddaama xafiiltan xooggan ka dhexeeyo labada dal.

Waa markii u horaysay ee madaxweyne xilka haya oo Maraykan ah la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxaanay labada masuul muujiyeen in ay si togan isula eegi doonan arrimaha ka dhex taaggan.

 

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here