Daawo: Hoggaamiyeyaasha Ethiopia & Eritrea Oo Qosol Iyo Gacmo Is Qabsi Ku Soo Afjaray Colaaddii 20-ka Sanno

0
410 views
Daawo: Hoggaamiyeyaasha Ethiopia & Eritrea Oo Qosol Iyo Gacmo Is Qabsi Ku Soo Afjaray Colaaddii 20-ka Sanno

Daawo: Hoggaamiyeyaasha Ethiopia & Eritrea Oo Qosol Iyo Gacmo Is Qabsi Ku Soo Afjaray Colaaddii 20-ka Sanno

Asmara(Sayruuq) Qosol, laab is galin iyo gacmo is qabsi kal iyo laab ah ayay hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eriteriya ku soo afjareen colaaddii ugu xumayd Afrika iyo hirdankii socday labaataneeyadii sanno ee u dambeeyay.

Dr Abiy Axmed ra’isal wasaaraha Itoobiya oo saaka ka degay caasimadda Eritrea ee Asmara waxaa si diirran u soo dhaweeyay madaxweynaha Eritariya Isaias Afeworki iyo madax sare oo dawladdiisa ah.

Telefishanka Eritrea waxa ka soo muuqanaya dadweynaha oo ku heesaya kuna jaasaya heesaha soo dhawaynta waxaana waddooyinka Asmara lagu sharaxay calamada Itoobiya iyo Eritrea.

 

Tani in ay dhacdo wax badan kuma qaadan hoggaamiyaha isbedelka ee Itoobiya Abiy Axmed laakiin, waxay timid markii uu si buuxda u aqbalay heshiis hore looga gaadhay xuduudka labada dal ku dagaallamayeen labada Sanno ee Badhama oo hore Itoobiya u diidanayd.

Wefti ka socda Eriteriya oo niyad samaan ka sida hoggaanka dalkooda ayaa laba todobaad ka hor yimid Addis Ababa waxaanay gogol xaadh u noqotay kulanka labada hoggaamiye ee saaka oo taariikhi ah.

Hoggaamiyaha Itoobiya waxa wehelinaya labada haween ah ee kala hoggaamiya labada aqal baarlamaan Muferiat Kemal & Keira Ibrahim, iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Dr Workneh Gebeyehu.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.