DAAWO: DOORASHOOYINKA SWEDEN OO Dhallinyaro Soomaali Ahi Ka Qayb Galayso

0
346 views
DAAWO: DOORASHOOYINKA SWEDEN OO Dhallinyaro Soomaali Ahi Ka Qayb Galayso

DAAWO: DOORASHOOYINKA SWEDEN OO Dhallinyaro Soomaali Ahi Ka Qayb Galayso
Usbuucan inagu soo aadan ayaa waxa guud ahaan dhulka Sweden looga dareeri doona doorashooyinka kala duwan ee dalka Sweden sida dawladaha hoose, gobolada iyo barlamaanka guud ayaa waxa la dareemaya dhaqdhaqayayada siyaasiga ah ee ay samaynayaan guud ahaan musharixiinta gaar ahaan somalida sharaxan sanadkan.

Hamdi Hashi oo ka mid ah shaqsiyaadka firfircoon ee gobolka östergötland gaar ahaan magaalada Linköping oo ah magaalada shanaad ee ugu baxad weyn dalkani ayaa aad ugu boorisay guud ahaan Somalidu inay codeeyaan dareemaana muhiimada ay doorashadani leedahay. Hamdi ayaa aad ugu dheeratay inay Somalidu dareento muhiimada codeynta iyo doorashadu inoo leedahay si aynu u dhacsano xaqeena dastuuriga ah ee aynu dalkan ku leenahay, Hamdi waxay aad ugu boorisay guud ahaan Somalida inay u codeeyaan xisbigan Social Democracy ee dalkani.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.