Daawo “Diyaar Baanu U Nahay In Muuse Biixi Muqdisho Ka Soo Dego,” Somalia

0
848 views
Daawo “Diyaar Baanu U Nahay In Muuse Biixi Muqdisho Ka Soo Dego,” Somalia

Daawo “Diyaar Baanu U Nahay In Muuse Biixi Muqdisho Ka Soo Dego,” Somalia
Muqdisho(Sayruuq) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in Somaliland iyo Somalia u wanaajiyaan xidhiidhkooda si la mid ah dalalka Ereteriya iyo Itoobiya, islamarkaana ay diyaar u yihiin in lagu wada hadlo Hargeysa ama Muqdisho.
Ra’isal wasaare xigeenka Soomaaliya oo ka soo jeeda Hargeysa waxa uu sheegay in xukumadda uu ka tirsan yahay diyaar u tahay in wada hadallada Somaliland iyo Somalia dib loo bilaabo, islamarkaana la dardar galiyo oo dhiig cusub lagu shubo.
“Waa hammiga ugu weyn ee dawladda Federaalku qabto wax naga maanacayaana ma jiro in sidii Abiy Axmed sidii uu Asmara uga digay in mar alla markii ay suuro gal tahay walaalaheena Somaliland, Hargeysa iyo Muuse Biixi ay u furan yihiin in Madaxweyne Farmaajo Hargeysa ka dego oo walaalaha reer Hargeysa la fadhiisto oo Madaxweyne Muuse Biixi la sheekaysto oo salaaddiinta caanka ah la sheekaysto. Waxa kale oo uu albaabku u furan yahay madaxweyne Muuse Biixi in marka uu doono Muqdisho yimaaddo,” Sidaas ayuu sheegay ra’isal wasaare xigeen Mahdi Guuleed.

Daawo Faysal Cali Waraabe Iyo Ra’isal wasaare Xigeen Mahdi oo ka hadlay wada hadalka Somaliland iyo Somali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.