Daawo Dab Ka Kacay Guriga Madaxweynaha Maraykanka

0
82 views

Muuqaallo  ayaa muujinaya dab qabsaday daarta Trump Tower ee Madaxweynaha markaykanku leeyahay. abaaro todobadii subaxnimo ee wakhtiga New York ayaa ciidamada dabdamiska loogu yeedhay Sarta dheer ee Trump Tower oo xogga sare meel koone ah uu ka boodayo qiiqa dab la rumaysan yahay in uu koronto ka dhashay.

Ciidamada dabdamiska ee magaalada oo ku dhaw 80 iyo gaadiid tiro badan ayaa ka hawlgalay waxaanay qaadatay muddo saacad ah in dabka la xakameeyo sida ay sheegeen maamulka dabdamiska. waxa la sheegay in qof ka mid ah dabdamiska iyo qof rayid ah wax ku noqdeen dabka. Wiil uu dhalay Madaxweyne Trump ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray in laydhka uu ka dhashay dabku waxaanu u mahadceliyay dabdamiska

Dhismahan dheer ayuu degan yahay qoyska Madaxweynaha Maraykanka halka qaybo yihiin goobo ganacsi iyo meelo raaxo laakiin, xilliga dabka ayaa la sheegay in Madaxweynaha iyo qoyskiisu joogeen aqalka cad ee looga arrimo Maraykanka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.