“Daandaansiga Ay Puntland Kii Tukaraq Ku Dartay Jawaab Adag Buu Inooga Baahan Yahay,” Prof Cabdisalaan Yaasiin

Xukumadda Madaxweyne Biixi Oo Sharrixi Kari Wayday Sababta Ay Faraha Uga Laabatay Socdaalka Gaas Ee Badhan Iyo Suxufiyiin U Qiil Sameeyay sababaha loo aanayn karo in ay tallaabo u qaadi wayday xukumaddu

0
321 views
“Daandaansiga Ay Puntland Kii Tukaraq Ku Dartay Jawaab Adag Buu Inooga Baahan Yahay,” Prof Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan, Dhoollayare, Wayab, Xagar & Xil.Hoorri

“Daandaansiga Ay Puntland Kii Tukaraq Ku Dartay Jawaab Adag Buu Inooga Baahan Yahay,” Prof Cabdisalaan Yaasiin

Hargeysa(Sayruuq) Prof Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ahaa asaaseyaashii ururkii SNM ayaa sheegay in hoggaamiyaha maamulka Soomaaliya ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas sameeyay daandaansi siyaasi ah oo ka dhan ah Somaliland. Waxa uu sheegay in socdaalka uu ku yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag yahay gardarro siyaasi ah, islamarkaana u baahan in jawaab aad u adag laga bixiyo.

Siyaasi Cabdisalaan Yaasiin oo inta badan afka ka dhawra dhalliisha xukumadda madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in socdaalka Gaas ee xadgudubka ku ah xuduudaha Somaliland u baahan yahay jawaab adag “Haddii ay Tukaraq ciidan ku soo weerareen imikana dhinac siyaasi ah ayuu(Cabdiwali Gaas) inaga soo weeraray, dadka degaankuna sidaas Tukaraq ayaanay doonayn in dhibaato loo gaysto cid soo dhawaysana laga waayi maayo, haseyeeshee daandaansiga siyaasiga ah ee ay maanta samaysay Puntland ee ay kii Tukaraq ku dartay waxay ila tahay daandaansigaasi jawaab adag adag buu inooga baahan yahay,” Sidaas ayuu yidhi Prof Cabdisalaan.

Cabdisalaan Yaasiin oo sii hadlaya waxa uu sheegay in sababta jawaabtu ku imanaysa tahay maaddaama Somaliland ku doodayso xuduudo caalami ah kuwaas oo uu hadda ka soo gudbay Cabdiwali Gaas “Waa maxay jawaabtaasi? Waxa weeye waddanka xuduudo caalami ah ayaynu inagu ku doodayna, marka waa in aynu muujina haddii aynu Somaliland nahay caalamkana u muujina dadkeenana dareensiina waar anagu xuduud caalami ah ayaanu ku doodayna haddana ku joogna,” Sidaas ayuu yidhi Prof Cabdisalaan.

Sidoo kale siyaasiga Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare) oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa sheegay in ay Qaranka Somaliland ceeb ku tahay in hoggaamiyaha Puntland oo wata golihiisa wasiirradu yimaaddo Badhan, islamarkaana shirka golaha wasiirrada ee Khamiista ku qabsado “Waxa la yidhaahda caalamka ayaanu uga ashkatoonayna ciidamo kugu soo xadgudbay laakiin, gole wasiirro iyo madaxweynahoodii oo wada socda oo si nabad ah shir ugu qabsaday (Badhan) caalamkaanu uga ashkatoonayna taasi waa fashilaad oo inagay inagu tahay fool xumo,” Sidaas ayuu yidhi Mr Dhoollayare oo intaasi raaciyay in haddii aanay socdaalka Ogayn xukumaddu fashilaad ku tahay sirdoonka Qaranka haddii sirdoonku soo wariyay oo xukumaddu faraha ka laabtayna ay qaranka ceeb ku tahay.

Xildhibaan Mataan Muxumed Hoorri oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi oo uu yaqaanay xilligii SNM aanu ahayn nin aqbali karayay in Cabdiwali Gaas joogo Badhan oo uu faraha ka laabto laakiin, uu u malaynayo in uu waayeel noqday oo ay jiraan waxyaabo uu xeerinayo.

Dareenka siyaasiyiintu muujisay iyo Su’aalaha bulshadu iska waydiinayso socdaalka Cabdiwali Gaas ku yimid Badhan oo dareenka ka dhashay yahay maxay xukumaddu faraha uga laabatay xukumadda Puntland ee Badhan joogtay dhawrka maalmood ayaanay xukumaddu sharraxaad ka bixin. Lama oga in madaxweyne Biixi cashar ka qaatay colaadda Tukaraq oo uu dhawr jeer ciidamada Qaranka amray in aanay meeshooda dhaafin si looga fogaado colaad sii socota iyo in aanu tamar u ahayn faran labaad oo gobolka Sanaag kaga furanta.
Wariyeyaasha Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar) iyo Cabdillaahi Aadan Cumar(Wayab) oo ka tirsan bahda wasaaradda warfaafinta ahna suxufiyiin ruug caddaaya oo shalay isku xilqaamay in ay cudur daar u raadiyaan sababta xukumaddu uga jawaabi wayday socdaalka gardarrada lagu macneeyay ee Cabdiwali Gaas waxay sheegeen in bookhashada uu 3 ujeedo ka lahaa Mr Gaas.

“Bookhashadani waxay ku fadhiday saddex qodob oo waaweyn. Haddii Somaliland tallaabo ka qaadana saddexdaas ayaa hirgali lahaa, Somaliland-na way la socotay saddexdaas qodob in aanay hirgelina way ku talo gashay,” Sidaas ayuu yidhi Suxufi Xagar waxaanu sheegay in saddexda ujeedo kala ahaayeen; in Cabdiwali Gaas doonayay in Somaliland gudaheeda lagu dagaallamo, in uu bulshada reer Badhan u sheego in uu horumar u waday oo jaamacad furayay laakiin, aanay Somaliland horumarka u ogolayn iyo in dagaal dhaco oo uu doorashada kordhisto sidoo kalena ay Garoowe ka soo barakaciyeen arrimo siyaasadeed oo ku saabsan qabanqaabada iyo ololaha doorashada horraanta 2019 ka qorshaysan Puntland.

Hase ahaatee waxay u muuqata in cudur daarro noocaas ahna samayn kari wayday xukumadda madaxweyne Biixi oo wasiirkeeda arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire sheegay in ay caalamka u direen cabasho ka dhan ah Cabdiwali Gaas si cadaadis loogu saaro in uu joojiyo imaatinka dhulka Somaliland oo Puntland lafteedu sheegato.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.