Cuqaal Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa

0
629 views
Cuqaal Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa

Cuqaal Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa
Hargeysa(Sayruuq) Magaalada Hargeysa waxa lagu xidhay Guddoomiyaha cuqaasha gobolka Maroodijeex Caaqil Xuseen Colaad Jaamac (Caaqil Halac) iyo Caaqil Siciid Cabdi Jaamac (Hadhiye) oo dhawaan loo caleemo saaray suldaan.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xadhiga cuqaasha, balse xoga Sayruuqnews ka heshay waxay sheegayaan in la xidhay kadib markii dhawaan magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay in Caaqil Hadhiye loo caleemo saarayo Suldaan badhtamaha bisha soo socota.

Caaqil Siciid Cabdi Jaamac Hadhiye ayaa doonaya in uu noqdo Suldaanka guud ee beesha Muuse Abokor oo ka mid ah beelaha Arab. Waxa la rumaysan yahay in loo xidhay khilaaf ka dhashay jagada uu doonayo Caaqil Hadhiye iyada oo Caaqil Halac ka mid ahaa cuqaasha ka qayb galay munaasibadda lagu shaaciyay halka la sheegayo in cuqaal kale la doonayo in la xidho.

Halkan ka daawo munaasibaddii lagu caleemo saaray

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.