Cudur Aan Hore Loo Arag Oo Ku Faafay Qeybo Kamid Ah Dalka Sudan !

0
373 views
Cudur Aan Hore Loo Arag Oo Ku Faafay Qeybo Kamid Ah Dalka Sudan !

Cudur Aan Hore Loo Arag Oo Ku Faafay Qeybo Kamid Ah Dalka Sudan !
Khartoum(Sayruuq)-Waxa maalmihii la soo dhaafay ku faafay Gobollo ka mid ah Dalka Sudan cudur aan hore loo arag oo ay dhakhaatiirta Dalkaasi sheegeen inay faafiso kaneecadu.
Cudurkan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Xumadda Chikungunya oo ay kaneecadu sababto isla marka ay Kaneecada Xambaarsan Virus-ka cudurkaasi waxa qofku ku bilaabmayaa Xumad xad dhaaf ah, sidoo kalena waxa uu Cudurkaasi sababayaa in maqaarka jidhku is beddelo shan maalmood kadib markii uu Virus-kaasi qaado.

Cudurkan ayaa waxa uu ka bilaabmay Gobolka Kasala ee Bariga Dalkaasi Sudan waxaana ilaa iyo haatan uu cudurkaasi soo waajahay 11 kun oo qof sida uu sheegay Majduub Abu Musa oo ah Af-hayeen u hadlayey maamulka Gobolkaasi Kasala ee Dalka Sudan.

Cudurkani ayaa waxa dawo ah laheyn waxaanay dhakhaatiirta dalkaasi dedaal ugu jiraan sidii ay cudurkani xal ugu heli lahaayeen, ilaa iyo haatana ma jirto wax dhimasho ah oo uu cudurkaasi sababay, balse dadka bukaanka ee cudurkani la liita ayaa buux dhaafiyey Dhakhtarada Gobolkaasi.

Dhinaca kalena, Qoysas tiro badan ayaa ka guuray guud ahaan ba Gobolka Kasala kuwaasi oo ka tegay hantidoodii iyo guryahoodii ka hor intii aanu cudurkaasi ku dhicin.
Sudan & Jabuuti Oo Somaliland Kula Loolamaya Suuqa Itoobiya
Somalia: PM attends IGAD Summit on South Sudan
Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir Oo Diiday In Uu Ka Soo Dego Magaalada Muqdisho.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.