Colaadda Ceelafweyn Oo Waji Cusub Yeelatay

0
743 views
Colaadda Ceelafweyn Oo Waji Cusub Yeelatay

Colaadda Ceelafweyn Oo Waji Cusub Yeelatay

Iyada oo aan wali xal loo helin colaadda soo noqnoqotay ee degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag ayay maalmihii u dambeeyay soo kordheen madax dhaqameed labada dhinac ah oo warbaahinta iska weeraraya, islamarkaana uga sii daraya xaaladda markii horeba cakirnayd.

Dhinacyada ayaa isku eedaynaya in beelaha ay ka soo kala jeedaan labada dhinac u dhan yihiin dagaalka taas oo keenaysa halis hor leh, islamarkaana keenayaan cabsi ku saabsan in xiisaddu ku fido meelo ka baxsan aagga Ceelafweyn.

Go’aammada Habaryoonis Bari

Waxa shalay meel ka baxsan Ceerigaabo lagu soo gabogabeeyay shir 3 cisho socday oo ay qabsadeen beelaha Habaryoonis Bari waxaana ka soo baxay qodobo door ah oo khuseeya xiisadda Tukaraq. Waxa uu shirku beesha Biciide ku eedeeyay in ay dhammaan heshiisyadii la gaadhay ka baxday dhacdadii u dambeysayna ahayd mid fool xun.

Waxa kale oo shirk aka soo baxday in fulinta heshiisyada ay ku fashilmeen wasiir Maxamuud xaashi oo ka tirsana xukumaddii hore, wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo hadda xalkeeda galay iyo guddoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo arrimaha lagu heshiinayo ka soo shaqaynayay.

Qodobadan waxay u muuqdeen mid arrinta cirka ku sii shareeray maaddaama kalsoonida wasiirka daakhliga iyo guddoomiyaha guurtidu meesha ka baxday waxaanay qodobada shirku ugu dambeyn xalka arrintan dusha ka saareen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay beeshu sheegtay in aanay cid ka sokaysa uga fadhiyin wixii lagu xallinayo xiisadda Ceelafweyn.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan sheegay in ay xallinta arrintan galayaan odayaal miisaan ku leh Somaliland lagana reebayo dadkii hore ugu fashilmay. Waxa uu magacaabay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Cali Khaliif Galaydh iyo Xasan Ciise Jaamac laakiin, wali lama oga in ay kalsooni ka heleen dhinacyada is haya.

Xiisadda Ceelafweyn ayaa u baahan in ay dhinacyada kale ee ehelka la ah labada beelood iska dhawraan si looga hor tago colaad ballaadhata, islamarkaana la isu xil qaamo wada hadalo dhab ah oo dhinacyada la dhex dhigo. Xukumadda ayay tahay in ay tallaabo ka qaado madaxda dhaqanka ee arrinta uga sii daraysa iyo in ay warbaahinta culays ku saarto in sidii ay uga taxadari lahaayeen hadallada arrintan uga sii daraya.

Sayruuqnews/Faallo

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here