Ciyaartii Xalay Ee PSG & Nantes Oo Dhacdo Cajiib Ahi Ka Dhacday

0
89 views

Ciyaartii Xalay Ee PSG & Nantes Oo Dhacdo Cajiib Ahi Ka Dhacday

Ciyaartii xalay ee PSG & Nantes ayay dhacdo cajiib ahi ka dhacday kadib markii Garsooraha ciyaartu kaadhka cas siiyay ciyaartoy suuldaaray. Dad badan ayaa ku dooday in arrintu ahayd dhacdo si kama’a u dhacday laakiin, Siidhi wadaha ayaa u arkay in uu si badheedh ah u suuldaaray ciyaartoyga. Labadan kooxood ee ciyaarayay horyaalka Faransiiska ee League 1 ayay ciyaar kulul dhexmartay.

Garsoore Tony Chapron oo daba ordaya ciyaartoyda PSG oo diilinta 18-ka ee goolka Nantes kubadda la galay ayaa difaaca Nantes ee Diego Carlos oo daba ordayay lugaha iskugu dhuftay Siidhi wadaha kadibna Garsooraha oo si xun u dhacay ayaa isaga oo aan dhulka ka kicin laad u dedejiyay ciyaartoyga oo sii dhaafaya kadibna inta uu kacay kaadhka cas afka ka galiyay isaga oo sidaasi garoonka kaga baxay ciyaartoygu.

Guddoomiyaha kooxda Nantes Waldemar Kita ayaa ku dooday in aanu ciyaar yahanku si badheedh ah u suuldaarin garsooraha sidaas awgeedna ay tahay in Siidhi wadaha la ganaaxo 6 bilood. Waxa uu sheegay in ay u muuqatay in garsooraha ciyaartu iska kaftamayay. Ciyaarta ayaa ku dhammaatay hal gool oo ay ku badisay kooxda PSG.

 

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.