“Citiraafka Cabsi Ba Naga Hor Taaggan,” Wasiir Sacad 

0
68 views
“Citiraafka Cabsi Ba Naga Hor Taaggan,” Wasiir Sacad 

“Citiraafka Cabsi Ba Naga Hor Taaggan,” Wasiir Sacad

Wasiirka arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo todobaadkii hore hadal ka jeediyay kulan lagaga hadlayay doorashadii 13 November ee Somaliland iyo qorshaha xukumadda la doortay oo uu qabtay Machadka Cilmi Baadhista Afrika (Afrika Research Institute) ayaa sheegay in xukumadda Madaxweyne Muuse xoogga saarayso sidii meesha looga saari laha cabsida dunidu ka qabto Somaliland haddii la aqoonsado waxa dhici kara.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudaha Qaran looga baahan yahay islamarkaana tahay xaqiiqo jirta laakiin, sababta kaliya ee citiraafka ka hor taaggan tahay cabsi dunidu qabto “ Waxay naftayda iyo nafihiinu is waydiinayaan maxaa Somaliland loo aqoonsan waayay? Iyada oo dhammaan buuxisay shuruudaha. Ilaa hadda sabab kaliya ayaa loo aqoonsan waayay, sababtaasina waa Cabsi. Cabsidaas oo ah maxaa dhici doona haddii Somaliland la aqoonsado?,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka oo sii sharraxaya waxyaabaha dunidu ka cabsi qabto waxa uu yidhi “ Cabsidaasi oo ah armay xaaladda Soomaaliya ka sii darta, cabsidaas oo ah bilaa Somalia cadhoota ama xidhiidhka u jarta dalka Somaliland aqoonsada, cabsidaas oo ah bilaa afrika carqalad ku furanta(pandora’s box in Africa) sida in dadyaw kale citiraaf doonan, Cabsidaas oo ah halkee Midawga Afrika iska taaggi doona, ma loo qaadan doona gumaysi cusub,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka oo sheegay in dalka Somaliland aqoonsanaya ka baqayo in arrimahaasi dhacaan.

“Tusaale ahaan haddii Ingiriisku Somaliland aqoonsado way aqoonsan doonaane maxaa dhici kara? Ingiriisku ma waxa uu luminaya xidhiidhka ganacsi ee Soomaaliya? Ilama aha, Ingiriisku ma waxa uu waayay bahwadaag Istaraatiji ah? Waa maya waayo? Somalia ma difaacdo Britain ee Ingiriiska ayaaba difaaca Somalia, Ma Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika cambaaraynaya oo ku khasbaya in ay dib uga noqoto? Uma malaynayo sidaas, ma waxa lagu eedaynaya in ay gumaysi cusub samaynayso, ilama aha waayo? Kiiskani maaha gumaysi ee waa aqoonsi Qaran lagu aqoonsanayo sidiisa iyo xorriyaddiisa,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in Ingiriisku taas bedelkeeda helayo saaxiib muhiim ah oo Somaliland ah, bahwadaag Istaraatiji ah oo ku yaalla goob muhiim ah, in ay samaysay tallaabo sax ah oo muhiim ah, in Somaliland amniga ka qayb qaadanayso oo aanay waligeed amniga gobolka iyo ka dunida mushkilad ku keenin marka laga reebo dagaalladii 1963-1977 ee Somalia la gashay Itoobiya.

“Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland waxay rajaynaysa 2018 in ay cabsidaa dunida ka saarto, waanan ku rajo weynahay in aanu sanadkan wax ka bedelno aragtidaas oo aanu dunida ku qancino in Somaliland u qalanto aqoonsiga,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad oo sheegay in qorshaha xukumaddani yahay in waddamada iyo hay’addaha dunida laga saaro warwarka ay ka qabaan waxa dhici doona haddii Somaliland la aqoonsado.

Halkan ka dhegayso khudbadaha kulanka

Dr Bulxan Iyo Faysal Oo Ka Dooday Citiraaf Raadinta

Muuse, Faysal Iyo Cirro Oo Ku Kala Aragti Duwan Habka Citiraafka Somaliland Loo Raadinayo

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.