Cimaamada Shayaadiinta! Kaysar Cabdillaahi

0
130 views

Cimaamada Shayaadiinta! Kaysar Cabdillaahi

Ragna Dhaqashuu kuugu Dhabar jabay Ragna Dhuuni ayuu kuu Dhex Joogaa!

Waxaa wax laga naxo ah in iyada oo maanta ay Geesiyaasha Ciidamada Qaranku ay dhaxanta iyo milicda u taagan yihiin, diyaarna ay u yihiin inay naftooda qaaliga ah ku bixiyaan oo ay dhiiggooda u shubaan difaaca iyo ilaalinta Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland, waxaa ayaan darro in dhabar-jabin ay ku sameeyaan oo ay niyadooda dhaawacaan kuwii ay u dhimanayeen. Waxaa ayaan-darro ah inay arkaan kuwii ay naftooda ay u hurayeen oo iyagii xabad isula baxay oo dagaal macno la’aan ah dhiig isaga qubaya.

Waxaa kale oo ayaan darro ah kuwa Mujrimiinta ah ee Suldaanada Sheeganaya ee Sharwadayaasha ah ee kibirku ka batay oo iyaga oo Aqalo dugsoon ka soo toosaya oo nimco ku jira hadana doortay inay fidno iyo fadqalalo Dalka ka abuuraan oo ay iska hor keenaan Dadka walaalaha ah ee isku nafta ah.

Waxaa la soo gaadhay Xiligii Cimaamadaha Shaydaanimo ee ay huwan yihiin laga gubi lahaa, xabsigana loo taxaabi lahaa.

Dalku uma baahna kuwa Salaadiinta sheegta ee Sharka iyo Xumaanta u ban-baxay ee intay kibrreen oo ay Xaaraan iyo Xalaalba xoolaysteen hadana door biday inay fidno kiciyaan.

Geesiyaasha Ciidamada Qaranka ee furinta joogaa maxay maantoo kale dareemayaan? Markay arkaan dadkii ay difaacayeen oo is laynaya, dhaxanta iyo qabawga waxay u taagan yihiin oo ay carruurahoodii uga tageen sidii ay Nabad, Raaxo iyo Sharaf ay ugu noolaan lahaayeen ummada Somaliland oo ay kuwan mujrimiinta ah ah ee Salaadiinta iyo carruurtoodu ay ka mid yihiin.

Waxaan Madaxweynaha Qaranka usoo jeedinayaa inuu gacan bir ah ku qabto oo Xabsiga ku guro kuwa Cimaamadaha dhagarta huwan ee Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka isku sheega ee fidnada iyo tafaraaruqa bulshada ka shaqaynaya.

Cimaamada Shayaadiinta!Kaysar Cabdillaahi

Kaysar Cabdillaahi

wasiir xigeenkii hore ee arrimaha dibadda

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.