Ciidda Somaliland Oo Jarmalka Lagu Shay Baadhayo

0
603 views
Ciidda Somaliland Oo Jarmalka Lagu Shay Baadhayo

Ciidda Somaliland Oo Jarmalka Lagu Shay Baadhayo

Hargeysa(Sayruuq) wasiirro ka tirsan xukumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Carro laga qaaday degaanno kala duwan oo Somaliland ah lagu soo baadhayo shay baadh ku yaalla dalka Jarmalka si loo ogaado tayadeeda. Waxay sheegeen in ay hawsha qabanayaan maalgashadeyaal danaynaya in ay Somaliland maalgalin ka sameeyaan.

Wasiirka maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, wasiirka degaanka Shugri Xaaji Baandare iyo maalgashadeyaal ajaanib ah ayaa soo qaaday ciidda sida uu sheegay wasiirka maalgashigu.

“Maanta waxaan aniga iyo wasiirka Deeganku  kaxaynay Maalgashadeyaal ajaanib ah oo danaynaya inay maalgashadaan dalka, ciid ama carro degaano kala duwan ah baan soo qaadnay, Ciidaas waxaa lagu soo baadhi doona LAB ku yaal dalka jarmalka si loo ogaado tayada ciideena,” Sidaas ayuu boggiisa Twitterka ku qoray wasiirka maalgashiga laakiin, ma sheegeen nooca maalgashi ee ajaanibku samaynayo.

Ciidda Somaliland Oo Jarmalka Lagu Shay BaadhayoCiidda Somaliland Oo Jarmalka Lagu Shay Baadhayo

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.