Ciidanka Oo Qaabilay Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland

0
433 views
Heavy fighting resumes near Somaliland - Puntland border town
Sawiro hore

Ciidanka Oo Qaabilay Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland
Laascanood(Sayruuq) Ciidamo watey Gaadiidka Dagaalka iyo hubka nooc-yadiisa kala duwan ayaa ka soo goostay maamulka Garoowe, kuwaas oo ku soo biiray Ciidanka Qaranka Somaliland ee jiida hore, iyada oo ay Ciidanka Qaranka Somaliland ku qaabileen soo dhaweyn ballaadhan oo ay ku maamuuseen. Ciidankan oo u dhashay gobolka Sool tiradooduna gaadhayso kontomeeyo ayaa iskaga soo baxay faranta Puntland ee bariga Tukaraq.

Saraakiil ku hadlayey Ciidanka ka soo goostay Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay fahmeen dano gaar ah oo Puntland ku wadatay “Shalay galab God-qaboobe ayaanu ka nimi waanu soo wareegnay intaas aad iyo aad ayaanu isku bad-baadinaynay, meeshaa annagu waxaanu leenahay dadka joogaa waa la khalday haka waantoobeen wixii loo sheegay been-bay ahady wax yaalaana meesha ma jiraan, Dantayada iyo Dadkayaga ayaanu soo aadnay,markii dambena Daasadii laga tumayey Puntland markii aanu tagnay waanu ogaanay in aan meesha wax-ba ka jirin, sidaa dartee waanu iskaga nimi .” ayey yidhaan-deenm ciidanka soo goostay.

Dhanka kalene Abaan Duula Ciidanka Qaranka Somaliland 7-aad Gaashaanle dhexe Ibraahin Ashkir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey ciidankaas kusoo biiray ciidanka Qaranka Somaliland “Guddoomiye ciidankani wuxuu kasoo baxay Tuulada la yidhaah-do God-qaboobe ciidanka aaga hore soo fadhiya ee Puntland ayuu ahaa ee dagaalka loo diyaar gareeyey, ciidan beelaadada la khalday ee Dhulbahante ayuu kamid ahaa, halkaasuu muddo badan dayac ugu oodnaa marka ay Damceen inay kasoo baxaan-ba waddo ay mareenba waa loo diiday, waxay soo mareen Hawd Boocame ayey kasoo wareegeen iyagoo intaa cararayoo oo meel ay ka baxaan la’a, Ciidankaas oo aad idhihiina ku aragtaan diifta iyo dayaca ka muuqda oo dad ku danaysanayey oo muddo badan halkaa ku dayacnaa, ayaanu halkan kusoo dhaweynaynaa ..” Gaashaanle dhexe Ibraahin Ashkir.

Waxa isna halkaas hadalo soo dhaweyna ka jeediyey sarkaal kamid ah saraakiisha ciidanka Somalilnad,waxaanu yidhi “ Aad iyo aad ayaanu u salaamaynaa una soo dhaweynaynaa walaalahayaga nagu soo biiray ee sharafta leh ee karaamada leh ee maanta noo yimiday konton 50 askari oo socda oo Tignikadoodii wata ayaanle ayaa helay, aad iyo aad ayaanu idiinku mahadcelinaynaa kusoo dhawaada Dalkiinii Hooyo kusoo dhawaada Dadkiinii oo idin sugayey oo idiin Oomanaa .”
Gunaanadkii Guddoomiyaha Gobolka Sool oo halkaasi ka hadlay ayaa hadalo soo dhaweyna ujeediyey ciidanka kusoo biiray Ciidamada Qaranka Somaliland“ Idinka Dalkiinii ayaa idiin baahan oo Dadlkiinii ayaa idiin baahan oo Gobolkan ayaa idiin baahan oo maamulka Gobolkaa idiin baahan, Ciidankan idin soo dhaweeyey ayaa idiin baahan .” Ayuu yidhi Cabdirashiid Xuseen.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.