Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Degaanno Laga Shakiyay In Farmaajo Yimaaddo

0
249 views

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta degmada Tukaraq oo ilaa 80Km u jirta magaalada Garoowe. Degmada ayaa ahayd kaantaroolka maamulka Puntland waxaanay wararka soo baxaya sheegayaan in aanay iska caabin kala kulmin ciidanku halkaas lana filayo in ay u dhaafaan jiidaha hore iyaga oo dhawr jaho ka ruqaansaday.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada Qaranka iyo xukumadda Somaliland laakiin, waxa la filaya in ruqaansiga ciidanku ku yimid tuhunno ku saabsan in madaxweynaha Soomaaliya Mr Farmaajo soo faro geliyo carrada Somaliland maaddaama uu joogo Puntland horena wasiirradiisu u soo galeen Somaliland.

Warbaahinta Garoweonline ayaa sheegtay in ay heshay xogo ku saabsan in Madaxweyne Farmaajo loo qalqaalinayay in uu soo gaadho degmada Tukaraq, Buurowadal iyo meelo kale oo gobolka Sool ka tirsan laakiin, lama hubo in uu arrintaasi qaadan doono.

Dagaal halkaasi ka bilaama ayay Somaliland ka digaysay maalmihii u dambeeyay kadib markii 30 sanno kadib wasiirro Muqdisho ka socda soo galeen Sool iyo Sanaag lamana sadaalin karo mustaqbalka dagaal halkaasi ka bilawda xilligan oo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ku saabsan faro gelin ay waddo Soomaaliya xilli la filayay wada hadal dhex mara madaxda cusub ee Muqdisho iyo Hargeysa.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.