Ciidamada Puntland Miyay Iskaga Baxeen Tukaraq?

0
Ciidamada Puntland Miyay Iskaga Baxeen Tukaraq?

Ciidamada Puntland Miyay Iskaga Baxeen Tukaraq?
Asad Cismaan Cabdillaahi (Diyaano) oo shalay lagaga guulaystay jagada madaxweynenimada Puntland ayaa ciidamada Puntland ugu baaqay in ay ku noqdaan fadhiisimadooda ay ku horjoogeen wuxuu ugu yeedhay cadowga Puntland oo aanu magacaabin.

Waxa uu muujiyay in ciidamada iskaga baxay faramaha ay ka cadhaysan yihiin guuldarradiisa kursiga madaxweynaha oo dhawr cod lagaga guulaystay markii uu wareegga saddexaad uu kaga guulaystay madaxweynaha la doortay Siciid Deni.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Siciid Cabdulaahi Deni Iyo Ku Xigeenkisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash Ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Taliyaasha iyo Saraakisha Ciidmada kala duwan ee Puntland.

Waxaan si xushmadi kujirto uga codsanayaa Ciidanka Difaaca Puntland ee kasoo baxay Furimaha Cadowga ay ku hor fadhiyeen Inay ku laabtaan Xarumahoodii hore wixii tabasho ama Sheegasho ah Waa lagala hadlayaa lagana qancin doonaa.

Dalka inagaa leh madaxweyne walba oo yimaadana asagaa Hogaaminaya waajibna tahay in lala shaqeeyo, walaalayaal Guud Ahaan Ciidanka Difaaca Waxaan leeyahay haddii Qofkaa Taageerada u ahaydeen ama Masiirka dalka samatabixintiisa u arkayseen aan La dooran maahan inaa Cadowga aad hor taagnaydeen kahor wareegtaan.

Waxaan rajaynayaa inaan Kulan deg deg ah La qaato Ciidanka Soo baneeyey Furimaha dagaalada Isla markaasna tabashadooda dhagaysano, Sidoo kale Dowladda Puntland Iyo madaxweynaha Cusub Waa muhiim Inay dhagaystaan Ciidanka Sheegashadooda.

Mahadsanidin

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.