Ciidamada Booliska Oo Dad Ku Dhaawacay Hargeysa

0
820 views
Ciidamada Booliska Oo Dad Ku Dhaawacay Hargeysa

Ciidamada Booliska Oo Dad Ku Dhaawacay Hargeysa

Dhawr qof ayaa ku dhaawacmay rasaas ay rideen ciidamada ammaanka ee magaalada Hargeysa subaxnimadii hore ee saaka. Hawgal dawladda hoose ee caasimaddu wadday ayaa  dhaawac gaadhsiiyay dad dhawr ah.

Arrintan ayaa timid markii dawladda hoose ee Hargeysa damacday in ay qoysas ka rarto dhaamka xaafadda Qudhac-dheer ee degmada Maxamuud Haybe waxaana amarka khasabka ah diiday bulshada oo iska caabin kala hor timid hawlgalka dawladda hoose.

Dhawaan ayaa qoys dan yar ah oo degana meel u dhaw Dhaamka daad qaaday islamarkaana laba carruur ah la tagay waxaana goobta isla habeenimadii bookhday madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo Arbacadii bookhday dhawr dhaam oo ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa amar xilligiisu ahaa 24 saacdood siiyay dawladda hoose. Waxa uu amray in ay dhaammamka biyaha ka sii daayaan 24 saac gudahood, islamarkaana dadka halista ugu jira daadadka ee ku dhaw ka raraan.

Ma jiro war ka soo baxay in dawladda hoose meel ay dagaan u qorshaysay qoysaska ka ag dhawaa dhaamka Qudhac-dheer iyo in ay si khasab ah uga raraysay meelaha ay degenaayeen.

Sayruuqnews waxay saxaysa warka hore oo ay ku sheegtay in hal qof dhintay laakiin dib ay ka ogaatay in uu dhaawac yahay oo aanu dhiman

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.