Home Articles Carruurta La Qafaasho, Sixir Mise Daroogo? –

Carruurta La Qafaasho, Sixir Mise Daroogo? –

10 min read
0
0
474

Xaalado ugub ku ah dalkan oo argagax leh, ayaa ku soo faafay caasimadaha Somaliland. Waxaana kaw ka aha carruurta iyo hablaha yaryar ee la qafaalanayo. Arrintaas oo in badan ay ka hadleen waalidka u werwersan ubadkooda iyo saxaafadda madaxbannaan. Waxa ayaan-darro ah hay’adihii nabadgelyada ee dalkan oo ilaa hadda aan laga hayn jawaab waafiya … Qudhidaydu waxaan u soo taagnaa magaalada Hargeysa nin ka shaqeeya meheradaha lacagta oo inta loo dhiibay boqol doollar oo sadhaysan u tiriyay tuuggii watay lacag gaadhaysa $30,000.

Carruurtaasi waxa ay werinayaan in dad ajnabi ah taabteen, ama ku daadiyeen wajigooda walaxo aanay garanayn, kuwaas oo ka qaaday ikhtiyaarkii, wacyigii ama doonistii; deedna ay u hoggaansameen amma ay iska daba dhaqaaqeen dadkaas ajnabiga ahaa. Kadibna qaarkood laga qaaday dhiigga amma loo geestay dhaawac jidhkooda ah, iyaga iyo carruur kale oo ay ku arkeen xarumihii la geeyay. Arrinkaasi waxa uu ku noqday hay’adihii amniga qaadan waa. Sidoo kalem ayaa iyana waxaa u deedafeeyay qaar ka mida bulshada Somaliland.

Dhacdooyinkani waxa ay ina xusuusinayaan kuwii ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska 2015-kii, halkaas oo lagu qabtay laba naagood iyo nin u dhashay dalka Shiinaha, kuwaas oo ugaadhsan jiray ragga, siiba kuwooda hodanka ah. Dumarkaas ayaa ku soo dhawaada raggaas, oo deedna ku saydhiya budo yar wajigooda, kadibna raggaas ayaa iska daba-gala cisaabaddaas oo fuliya wax kasta oo ay ka doonto. Mararka qaar raggaas ayaa hor-gala Cisaabadda, si ay u soo tusaan guryahooda. Halkaas oo ay gacanta ka geliyaan Cisaabadda dhammaan wixii hanti u taalay guryahooda, haw mudnaato lacagta iyo muriyadduye. Booliska Faransiiska ayaa weriyey in nin reer Paris ah ay ka dhacday Cisaabaddu adduun gaadhaya 73,500 oo Gini.

Hay’adaha amniga ee dalka Faransiisku waxay markiiba sheegeen in Cisaabaddu adeegsato maadad lagu magacaabo SCOPOLAMINE. Waa maadad asalkeedii hore laga helay geed ka baxa dalka KOLOMBIYA oo magaciisana la yidha BORRACHERO. Boqollaal sano ka hor ayay reer Kolombiya, daroogada geedkan siin jireen haweenka ay ka dhintaan madaxda Kolombiya. Ka dibna dumarkii oo nasaqmay ayaa la fari jiray inay ag jiifsadaan maydka raggooda si loo aaso iyaga oo nool. Sidaas bay fulin jireen dumarkaasi iyaga oo ay ka maqan tahay doonistii. Midhaha geedkan oo maandooriye ah, oo Ikhtiyaarka ka qaada maskaxda aadmiga, kadibna u cabiidiya qofka ku shaqaysta, ayaa waxa ka war helay culimadii Jarmalka. Dr. Joseph Mengeles oo ka madax ahaa sirdoonka Jarmalka, laguna naanaysi jiray Malak Al-Mawtkii (The Angel of Death) ayaa dheecaanka geedkan ku mudi jiray maxaabiista dagaalka si uu uga helo xogta ku qarsoon maxaabiistaas sannadihii u dhexeeyay1930-1945. Sidoo kale, ayay u isticmaali jireen sirdoonnada CIA iyo KGP ee dalaka Maraykanka iyo Ruushku dagaalkii qaboobaa.

Maadaddani waxa laga dhigi karaa budo, dureere ama Irbad. Marka qofku neefsado ama la siiyana waxay ka dhigaysaa mid sikhiran oo si “fiican” u yeela wixii laga doonaba. Markuu soo baraarugo, ee ay jidhkiisa ka baxdana ma jiro wax uu ka xusuusan karaa wixii dhacay intii uu sawaabnaa. Waxa dhacda inuu qofku soo saaro kaadhkiisii baanka, oo uu tago Sanduuqa Lacagta ee ATM isaga oo sawaaban, oo uu ka soo saaro lacagtiisii oo uu sidaas ugu dhiibo Cisaabaddii amratay. Tabtaas ayuu ku fulinayaa wax kasta oo la faro, hadhawna aanu ka xusuusan karin wuxii uu sameeyay. Suntu inta ayna ka baxin jidhkiisa wuu matigi karaa qofku oo wuu yalaalugoon karaa, oo hadday ku badnaato wuu ku dhiman karaa, gaar ahaan dadka wadna xanuunka leh. Xataa qofkii oo doonistii u soo noqotay, ayay haddana ka daahi kartaa garashadii, waxase shaqaynaya beerka oo suntaas ku ladhaya maadad kale oo ka saarta jidhkiisa, oo raacisa kaadida. Qofka waa in la siiyaa biyo badan.

Cisaabadaddu marka ay doonayaan inay adeegsadaan budadan, waxay ka gaashaantaan inay ku sumoobaan. Markaas iyaga oo taas ka hortagaya, waxay ku arooriyaan cudbi labada dul; si aanay budadii u raacin neefta. Dalkeenna oo kale waxay qaadan karaan niqaabka dumarka, iyaga oo hoosta ka xidhan afduubkii. Dembiyada ka dhaca dalka Kolombia ee ku lug leh maadaddan khatarta ah waxa ay sannadkiiba gaadhaan 50,000 xaaladood sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku (State Department). Talooyinka ay wasaaradddu siiso muwaaddinka u dalxiisa Kolombia, waxa ka mid ah:

Waxa aad cunayso ama cabbayso iska hubi oo isha ku hay had iyo jeer, oo ha ka mashquulin ama ha ka jeedsan

Ha ka yeelin cunto ama cabbid qof aanad garanayn ama aad imminka uun is barateen.

Ha raacin qof aanad aqoon u lahayn, oo mar walba cid ha kula socoto.

Hubi oo is dawee haddii lagu sumeeyo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dalka Somaliland ay ka jiraan cisaabado u badan ajnabi oo guranaya maatida iyo carruurta, si ay ugala baxaan xubno ka mida ah jidhkooda. .. Qaarna ay caruurtaas aan abtirsiinta aqoon ka iibiyaan hay’ado aaminsan diimo kale… Kuwo kalena … intay naafeeyaan carruurta, ama ay ka ridaan indhaha, ay kaga dawarsadaan dalalka jaarka ah. Falalkan iyo kuwo kale ee keenaya amni-darrada, waxa habboon in sidan soo socota looga gaashaanto:

In dadweynaha la wacyigeliyo siday isku kaashan lahaayeen iyaga iyo hay’adaha amniga.

In ay tirsan yihiin oo laga war-qabo ajaanibka aan u dhalan Somaliland, oo lala socdo waxa ay ku fooggan yihiin.

In la dhammaystiro diwaangelintii muwaaddinka si ay u fududaato baadi-sooca dadku.

In la mastaafuriyo dadka aan sharci ku soo gelin dalkan.

In hay’adaha amnigu talo-badsadaan, oo ay ka qaadaan tallaabo adag cid kasta oo ku fooggan dambiyadan ama la shaqaysta cisaabadahaas.

Maxamed Cabdi Daa’uud

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Daawo:Wasiir Fajac Iyo Amakaag Ka Qaadey Balanqaadkii Musharax Ciro U Sameeyey Ciidamada Somaliland

Ceerigaabo (Sayruuq):- Wasiirul Dawlaha Wasaarada Caafimaadka Somaliand Maxamuud Aadan Jaa…