Carrabta Oo Dacaayadaysay Socdaalka Cabdwali Gaas Ee Imaaraadka

0
Madaxweynaha Puntland Ayaa Ku Taliyay In Federaalka Soomaaliya Lagu Saleeyo Qabiil

Carrabta Oo Dacaayadaysay Socdaalka Cabdwali Gaas Ee Imaaraadka

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas oo u muuqda in uu ka talo goostay xukumadda dhexe ee Farmaajo ayaa shalay u duulay waddanka Imaaraadka si uu dhankiisa uga nagaado xidhiidhka xumaaday ee Muqdisho iyo Abu Dubai.

Dadka Carbeed siiba kuwa Imaaraadka iyo Baxrayn ee barta Twitter-ka isticmaala ayaa socdaalkiisa ku sifeeyay mid dhuuni raadis ah, waxaanay Soomaaliya ku dacaayadeeyeen in ay yihiin dad adduunyo oo lacag raadis ah.

“Yaan lagu kalsoonaan, sababtoo ah Soomaalidu waa dad dhuuni raac ah. Waxaan rajaynayaa in Imaaraadka iyo Sucuudiga oo wada jir ah ay xidhiidhka u jaraan Soomaaliya,” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah dadka arrintan ka hadlay

Mid kale ayaa isna soo qoray “Ma hadda ayuu soo dabcay kadib markii Muqdisho looga diiday in uu la qaybsado lacagtii ay dhaceen, waa caqligii ahaa aan ku dilo kadibna janaasadaada aan ka soo qayb galo oo aan iskaga kaa oohiyo.”

“Madaxweynaha gobolka Puntland waxa muuqata in uu cudurdaar rasmi ah ka bixiyay Isfahan darradii dhacday, isagoo sheegay in Soomaaliya marna ka maarmin Imaaraadka. Dhibta idin haysata waa Farmaajo oo Muqdisho meel aan ka baxsanayn maamulin,” sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah dadka arrintan ka rayi dhiibtay.

“Hadda ayaa qof Soomaali ah oo baahi dilootay ku dhihi doona Imaaraadka ayaan ka saarnay dalkayaga, ha ogaadaan in ay dhaqaalaha Khaliijka ku tiirsan yihiin, ku digasho igama aha ee xaqiiqda ogaada,” sidaas ayuu yidhi mid u jawaabayay dad Soomaali ah oo arrintan ka dareen celiyay.

Faahfaahin halkan ka akhriso

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.