CARAB, CAJAB IYO CADDAAN: CIDDA IYO CAYNKA LOO WADO ISBEDDELKA GEESKA AFRIKA.

0
353 views
Duufaanta Geeska: Isbedello Iyo Isdiidooyin

CARAB, CAJAB IYO CADDAAN: CIDDA IYO CAYNKA LOO WADO ISBEDDELKA GEESKA AFRIKA.

Isbeddel aan si weyn isha ugu hayey ayaa ka bilaabmay Geeska Afrika. Isbeddelka kan waxa uu curtay 2011 markii Turkigu yimi magaalada Muqdisho isaga oo isku tusaya in uu gurmad u yahay Soomaalida abaartu halakaysay.

Inta badan dalalka danta iyo ujeeddooyinka waaweyn ee siyaasiga ah maleegaa waxa ay raadsadaan fursado u saamaxaya galaangal. Fursadda galaangalka ka faa’idaysa ee la gu duufsado dalalka cilmiyan waxa loo yaqaan “Soft Touch”. Si loo ga muraad fushado inta badan ‘Soft Touch’ waxa loo isticmaalaa dalalka jilicdasan.

Tusaale ahaan, Turki oo markii horeba Soomaaliya u soo gaangaanbinayey wax u sahlay beerlaxawsiga la gu hantay laabaha iyo maskaxa Soomaalida Muqdisho ee Turki sida ba’an u caashaqay ayaa jira. Waana sida loo gu soo dhex raacay abaartii ba’neyd ee 2011, dawlad la’aanta raagtay ee keentay jahliga, gaajada, shaqo la’aanta, dabodhilifnimada iyo muraaradillaaca ummadnimo .

Intaa ka dib, dardarta isbeddelku waxa ay xoogaysatay markii labo dal oo carbeed ay heleen oggolanshiyaha loo yaqaan “Thumbs-Up” markii u horreysay si ay ugu tartameen in ay saameyntooda Geeska Afrika muujiyaan. Dalka Qatar 🇶🇦 ayaa cugtay oo taageeray Xasan Sheekh Maxamuud, halka dalka UAE 🇦🇪 uu watay Sheekh shariif doorashadii Muqdisho ka dhacday September 2012.

Qatar oo ku guuleysatay in ay Soomaaliya u xusho Madaxweyne ay iyadu leedahay 100% waxa ay markiiba is-xulafaysi hoose la sameysay dalka Turkiga. Sababta keentay in Turkigu sida tan u la heshiiso waxa kellifay in ay aqoonsatay tamarteeda yar iyo saameynta dalalka jaarka (Itoobiya & Kiiniya) Sida aaney isaga caabiyi karin.

Imaaraadka oo ah dalka la ga adkaaday dhanka siyaasadda ma quusan ee waxa uu isku dayey in uu la macaamilo Xasan Sheekh oo uu isku tuso in uu taageersan yahay samatabaxa Soomaalida. Intaa ka dib waxa uu xidhiidh la sameeyey Itoobiya, Kiiniya, Eritrea iyo Jabuuti oo wakhtigaa (2012) la isku wanaagsanaa.

Xasan Sheekh oo baahi lacageed haysay ma dhibsan dalkii ka ololeeyey e, isna waxa uu qaatay siyaasadda loo yaqaan “play the game” oo si u ah waraabe ciilna ha u qabin calalna ha u tuurin. Sida kalena loo odhan karo Soomaali hagaagimayso goorahan e, ka faro-qabso.
MADAXWEYNAHA CUSUB IYO ILDUUF SIYAASADEEDKIISII U HORREEYEY OO MAANTA CURTAY
“Somaliland Waxa 27 Sanno Cadow U Liicin Waayay Midnimada Beesha Dhexe,

Halka danta ugu weyn ee Imaaraadku ahayd in uu sugo doorashada danbe. Mar labaad ayuu Imaaraad si weyn u soo ololleeye. Doorkan waxa ay niyadda ka wada socdaan Sucuudi Carabiya. Inkasta oo Sucuudigu aannu ku bixin dhaqaale cidda soo baxaysa ee Imaaraadku badhitaarayo.

Mar labaad ayaa Imaaraadka la ga ga adkaatay Muqdisho. Doorkan se dagaalka dalalka Carbeed waa uu ka weynaa doorkii hore 2012. Doorashadii Farmaajo ee 2017 waxa ay ku soo beegantay labo sano ka dib takoorkii iyo go’doomintii Qatar 2015. Qatar oo wadata Turki iyo Iran waa ay ka guuleysatay Imaaraad mar labaad waxana ay la soo baxday Farmaajo.

Imaaraad oo yiqiinsan in Jabuuti ay u kala dhammaatay 2014, waxa uu ka maarsan waayey in uu ciyaaro shaxsiyaasadeedka loo yaqaaan “Wire-Pulling”. Waana tan keentay in Imaaraad hal mar si isku mid ah uu u dardar-galiyo min Benghazi oo Libya ah, Caddan oo Yemen ah, Asab oo Eritrea ah, Berbera oo Somaliland ah, Socotra oo Yemen ah iyo Addis Ababa oo Itoobiya ah.

Isbeddelka weyn ee Geeska Afrika ka socda waxa u matalaya oo Aktarkeeda ah waa Imaaraad. Turki waxa uu fadhiistay Soomaaliya iyo Sudan, halka Qatar ay lacag miciinsatay. Imaaraadkuna waxa uu baalasha ku kala bixiyey dhul dhan 6 milyan oo km.

Ciyaartani intan kuma ay dhammaan ee waxa hadhay ugu yaraan labo qaybood. Waana muuqashada dalalka waaweyn ee tartanka dabada ka riixaya sida US, UK & China. Ciyaari waa galin danbe faallana waa ta danbeysa.

Mohamed Hagi Mohamoud

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.