Caqabado Waaweyn Oo Horyaalla Doorashooyinka

Sida ay sheegtay CPA Golaha Wakiillada Oo Fasax Galay, Colaadda Tukaraq Iyo Dagaal Beeleedyada Oo Qayb Ka Ah Caqabadaha Doorashada Dib U Dhigi Kara

0
198 views
Caqabado Waaweyn Oo Horyaalla Doorashooyinka

Caqabado Waaweyn Oo Horyaalla Doorashooyinka

Hargeysa(Sayruuq) Hay’adda CPA (Center For Pocy Analysis) oo fadhigeedu yahay Hargeysa, islamarkaana darista siyaasadaha Geeska Afrika waxay soo saartay warbixin xambaarsan walaac ah in doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha degaanka ee qorshaysan March 27 2019 aanay wakhtigooda ku qabsoomi karin sababo la xidhiidha wakhtiga yar ee hadhsan, cidda doorashadu khusayso oo aan ku hawlanayn abaabulka doorashada iyo cabado waaweyn oo hor yaalla qabsoomida doorashada kuwaas oo u baahan in wax laga qabto inta aanu sanadkan dhammaan.
Hay’adda oo u kuurgashay arrimaha doorashadu waxay sheegtay in aanay dhinacyada ay khusayso doorashadu ku hawlanayn sidii doorashadu xilligeeda u qabsoomi lahayd waxaana lafa gurkeeda ka soo baxay qodobada caqabada ku ah in doorashadu xilligeeda ku qabsoonto oo kala ah:-
1. Xeerka Doorashada oo muddo laba bilood ah horyaalla golaha wakiillada iyada oo haatan golaha wakiilladu ay galeen fasaxoodii caadiga ahaa, illaa haatan golaha wakiilladu kama doodin xeerka, waxaana xeerka ku jira oo caqabad ku ah in degdeg loo ansixiyo
2. Saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka ee gobollada oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay
3. Qoondada haweenka laga siinayo kuraasta baarlamaanka oo xeerka ku jirta.
4. Iyada oo aan weli isfaham laga gaadhin, tabashada Xisbiga Waddani uu ka muujiyey Guddida Doorashada ee Somaliland.
5. Xiisadda ka taagan gobollada bariga Somaliland oo culays amni ku keeni karta doorashooyinka dalka
6. Kaabistii diiwaangelinta codbixiyayaasha oo illaa haatan waxba laga qaban.
Warbixintu waxay intaasi ku dartay “Waxa muuqata in cidda iyo dhinacyada ay masuuliyadda qabashada doorashadu saaran tahay aanay ku hawlanayn falal iyo shaqooyin keeni kara in doorashooyinka raagay ay waqtiga loo cayimay ku dhacaan. waxaase jira ururada bulshada rayidka ah oo iyagu bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay kula kulmayaan dhinacyada arrimaha doorashadu khusayso iyaga oo kala hadlaya hawlaha doorashada.

Haddaba Xafiiska la socodka hawlaha doorashada (Election Monitoring Office) ee Xarunta Daraasaadka Siyaasaddu wuxuu wakhti geliyey inuu fahmo oo daraaseeyo duruufaha ku xeeran hawlaha doorasha, haddii la doonayo inay ku qabsoomaan xilligii loogu talo galay. Waxaase xafiiska u soo baxday inay caqabado aad u waaweyni ka horreeyaan in dhinacyada ay khuseeyaan hawlaha doorashadu inay ku xalliyaan caqabadaha jira, ka hor inta aan sannadku dhammaanin.
CPA waxay ku talisay :
• CPA waxay ugu baaqaysaa Madaxweynaha Qaranka, saddexda Xisbi ee dalka, Guddida Doorashada, Golaha Wakiillada iyo cid kasta oo kale oo ay khuseeyaan arrimaha doorashadu inay doorkooda ka qaataan xallinta hawlaha caqabadaha doorashada horyaalla, isla markaana in dhinacyadu ay la yimaadaan is-faham iyo qorshe hawleed farsamo oo loo dhan yahay oo caddayn karaya sida farsamo ahaan loo qaban karo doorashooyinka la filayo.
• Waxaanu ugu baaqaynaa Madaxweynaha inuu hoggaamiyo talo qaran oo go’aan lagaga gaadhayo arrinta saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka, taas oo muhiim u ah in la ansixiyo xeerka doorashada, xilli kasta oo dib u dhac ku yimaaddo ansixinta xeerkaasina waa caqabad hor leh oo dib u riixaysa xilliga doorashada.
• Waxaan ku baaqaynaa in la dedejiyo ansixinta Xeerka Doorashada oo ay ku jirto qoondada haweenka, iyo beelaha la haybsooco, si loo bilaabo hawlaha diyaargarowga doorashada.
• Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda iyo Beesha Caalamka inay la yimaaddaan qorshe ay ku bixinayaan lacagaha doorashada iyo kaabista diiwaangelinta codbixiyayaasha, si loo galo hawsha diyaargarowga doorashada.
• Waxaan markale ku baaqaynaa in la xalliyo arrimaha Komishanka Doorashada iyo Xisbiga Waddani, si loo bilaabo hawlaha diyaar-garawga doorashada. Xilli kasta oo xallinta arrintani ay dib u dhacdo, waxay saamayn ku yeelanaysaa wakhtigii la filayey in doorashadu ay qabsoonto.
• Waxaan ku baaqaynaa in la xalliyo xiisadaha dhinaca ammaanka ee ka jira bariga Somaliland, sida Jabhadda hubaysan, iyo arrinta Tukaraq haddii xal loo heli karo, kuwaas oo culays dhaqaale iyo mid amniba ku yeelan kara doorashooyinka Somaliland.

Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.