Cali Warancadde Oo Ku Baaqay In Salaadiinta Tallaabo Laga Qaado

0
50 views

Cali Warancadde Oo Ku Baaqay In Salaadiinta Tallaabo Laga Qaado

Cali Maxamed Warancadde ayaa ku baaqay in tallaabo laga qaado qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland oo jeedinaya hadallo bulshada kala qaybinaya. Waxa uu sheegay in Somaliland u baahan tahay Suldaan isu ururiya ee aanay u baahnayn suldaan u kala abtiriya.

Salaadiintan oo umadda Somaliland kula dhex wareegaya hadallo iyo ficillo naxdin leh oo ku salaysan kala qaybinta, kala fogaynta, kala qoqobidda bulshada reer Somaliland ee walaalaha ah. Bulshada Somaliland uma baahna Suldaan u kala abtiriya ee waxay u baahan tahay Suldaan isu ururiya. Somaliland uma baahna Suldaan u shaqeeya cadawga Somaliland isaga oo aan garanayn cidda uu u adeegayo,” Sidaas ayuu yidhi Cali Warancadde.

Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan ugu baaqaya salaadiinta iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ee caadaystay in ay ka shaqeeyaan falal ku lid ah wada jirka umadda Somaliland in ay ka waantooban hadallada foosha xun iyo ficillada foosha xun ee ay hawada isku marinayaan ee ay maqashiinayaan quluubta nadiifta ah ee bulshada Somaliland iyaga oo wax ku yeelaya quluubtooda iyo wada jirkooda. Waxaan ku boorinaya hay’addaha sharciga iyo ciidamada booliska in sharciga la hor geeyo cid kasta oo ka waantoobi wayda hadallada iyo ficillada xun ee bulshada lagu kala dilayo.

Halkan Ka Daawo Hadalka Warancadde

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.