Cali Mareexaan Oo U Jawaabay Ra’isal wasaare Abiy

0
851 views
Cali Mareexaan Oo U Jawaabay Ra’isal wasaare Abiy

Cali Mareexaan Oo U Jawaabay Ra’isal wasaare Abiy

Raisalwasaaraha Ethiopia ee cusub wuxuu sheegay Mar uu Ka qudbadaynayey Magaalada Jigjiga in Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uu ahaa Soomaalida Ethiopia. Hadaba arintaa reer Somaliland dood ayey Ka qabaan waayo Sayidka aabihii Cabdule Xasan wuxuu ku dhashay Somaliland gaar ahaan Dooxada Casuura oo u dhaxaysa Laascaanood iyo Caynaba. Sayid Maxamedna wuxuu ku dhashay Sacmadeeqo oo Buuhoodle dhinaca waqooyi Ka xigta. Markii uu cilmiga diinta ku soo bartay debeda wuxuu ku soo noqday somaliland isaga oo Ka soo degay Berbera halkaas uu Ka bilaabay dhaqdhaqaaqii ugu horeeyey ee gumaysi diidka ahaa.

Dariiqadiisii Saalixiya waxay Ka hanaqaaday Burco, Oodwayne iyo Beer oo uu isaga dabqaadayey muddo sanad ku dhow waxaanu Ka helay taageero iyo soo dhawayn ballaadhan. Intaa Ka Dib wuxuu Sayidku u talaabay Buuhoodle iyo halkii uu ku dhashay waxaanu halkaas Ka abaabulay dhalinyaro uu markii hore diinta baray laakiin danbe uu u diyaariyey halgan lagula dagaalamayo gumaysiga. Markii danbe wuxuu u guuray Nugaal oo ahayd xaruntiisii u waynayd ee uu in ka badan labaatan sano Ka dagaalamayey. Dhamaan dhulkaasi waa somaliland. Daraawiishtiisa waxaa ugu badnayd gobolka Sool waxaa ku xigay gobolka Togdheer iyo Sanaag. Sayidka halgankiisu wuu gaadhi jiray kililka 5aad iyo koonfurta Somalia laakiin odaygaasi wuxuu ahaa halgamaa reer Somaliland ah.

Sayidka laftiisu wuxuu ku caddeeyey gabaygiisii caanka ahaa ee Dardaaran oo uu Ka tiriyey iimay alla hawnaxariistee in yar ka hor geeridiisii. Wuxuu Ku cabirayaa in ay ku dhacday daltabyo (Homesickness) oo aanu dhulkan garanayn wuxuu yidhi” daltabyaysigii nagu dhacay ee duufka na cunsiiyey Iimay dusheedii wixii duumo nagu laysay anagu diidi maynoo marbuu daain noo qoraye Kuwa haatan soo diganayow Dan iyo xeeshaada.”

Cali Hassan Mareexaan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here