“Cali Khaliif Haddii Uu Taageerayaal Haysto Gaadhi NOOHA Ah Kuma Galeen Hargaysa” Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

0
48 views

Garoowe(Sayruuq)-Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa si kulul uga hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, kaasi oo ahaa in cadow-ga kaliya ee ay leeyihiin ay tahay Puntland.

2017213636225717962247974cameey1

Cali Khaliif ayaa isaga oo ku sugan dalka Jabuuti sheegay in Somaliland iyo Khaatumo ay u midoobi doonaan sidii la isaga difaaci lahaa Puntland oo muran dhanka xuduud-dka ah uu kala dhaxeeyo Somaliland.

“Horey ayaan waxaan u idhi Khaatumo xun iyo Khaatumo wanaagsan bey leeyihiin dadka Sheegta reer Khaatumo, Marka waxaa illaah mahad-dii ah in kuwa Khaatumada xun ahaa ay banaanka isa soo dhigeen” ayuu yiri Eng. Camey oo la hadlay warbaahinta.

“Qoladan qaylinaysa awr un baa lagu kacsanayaa maahane , wax is-badal ahi oo uu u imaanayo ama u soo socdaa meesha ma yaaliin. Adeer dadku waa is-yaqaanaa , Siilaanyo dee Cali Khaliif waa yaqaanaa ,Marka waxa ay ila tahay nin ku yaqaan been uma sheegi kartid “ ayuu mar kale yidhi madaxweynuhu.

Waxa uu sheegay in Cali Khaliif aanu wax taageera ah ka haysan umad-da uu sheegto ,isaga oo tilmaamay in Gaari Nooha ah uu ku tagay magaalada Hargaysa markii loo diiday in uu ka dhoofo degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

“Cali Khaliif haddii uu haysto dad taageerayaal ah dee waa la arki lahaa , isaga oo kaligii ah ayuu gaari Nooha ka raacay Buuhoodle, marka aaway dadka uu haysto “ ayuu mar kale xusay ,isaga oo sheegay in uusan ogayn waxa hadda ay Somaliland ka faa’iidayso la hadalka Cali Khaliif.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here