Cali Gurey Oo Caddaalad Darro U Arka Xadhigga Buurmadow

0
819 views

Cali Gurey Oo Caddaalad Darro U Arka Xadhigga Buurmadow

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa sheegay in uu caddaalad ka rajaynayo racfaanka Boqor Buurmadow ee xukunkiisii shanta sanno ahaa waxaanu ku tilmaamay xukunka hore mid sharciga ama caddaaladda hareer marsan. Cali Gurey oo ka tirsan Kulmiye aadna ay isugu dhaw yihiin madaxweyne Biixi ayaa garsoorka Somaliland duray.

“Maxkamaddii Gobolka ee shanta sanadood xukuntay markaan eegay anigu waxan leeyahay Boqorku muu helin cadaalad eh bal hadda rafcaanka la sheegayona aan eegno. Anigu hogaamiye-dhaqameedka Somaliland in xad loo yeelo ma diidani waayo xuduud walba way dhaafeen laakiin, sidii loo maareeyay arinta Buur Madow waxan qabaa waxay sii xumaysay mooyee wax ay wanaajisay in aanay jirin. Taladaydu markii ugu horeysayba waxay ahayd Boqorku wuu gefay waxa lagu leeyahay raaligelin iyo inu balan qaado in gefkan aanu mar dambe geli doonin hadii uu galana talaabo adag laga qaadi doono. Laakiin waan qabaa waana loo baahan yahay in hogaamiye-dhaqameedka Somaliland guud ahaan arinkooda la galo oo xad loo yeelo, gaar ahaan kuwa magacyada badan ee kala duwan iskala baxa wax ka reebban iyo wax ka xaaraansanina aanu jirin,” Sidaas ayuu Cali Guray ku sheegay Qoraal uu boggiisa Facebook ku baahiyay

Cali Gurey wuxuu dhalliilay waaxda garsoorka oo uu ku tilmaamay kuwo Somaliland xumaynaya “Gaar ahaan Haya’dda Garsoorka waxan odhan lahaa qaran waliba wuxu u ekaadaa sida garsoorkiisu u eg yahaye in aan aakhiro Ilaahay idin foolxumaynim Somaliland ha fooxumaynina ee qurux badnaysiiya ilaahay idinkana ha idin qurux badnaysiiyo eh,” Sidaas ayuu sheegay Mujaahid Cali Gurey.

Qareenka difaacaya Boqor Buurmadow ayaa racfaan ka qaatay xukunka lagu riday Buurmadow oo ku saabsana aflagaado maxkamadeed iyo dambiyo ka dhan ah Qarannimada.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somalland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.