Cali Guray Oo Madaxweyne Siilaanyo Si Cajiib Ah Ugu Hambalyeeyay Guurka Inantiisa, “Xisbiga Kulmiye waxa loogu magic daray Ina Siilaanyo”.

0
75 views

Hargeisa(Sayruuq)- Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Muj Cali Guray, ayaa si cajiib ah u naqdiyay guurka xaflada guurka inanta uu dhalay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada, iyo sida uu arko Magaca xisbiga KULMIYE, oo loogu magac daray wiil uu dhalay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, sidaana waxa uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga oo u dhignaa sidan.

”Waryaadha u kaadiya! Aniga ciilka iyo cadhada aan u qabo Axmed Silanyo u gudbin maayo ubadkiisa eh. Waayo waxan ogahay oon qirayaa in ilaahay ubad wanaagsan odayga siiyay. Ha iga eegina in aan kala maqaam dhigo Maslax, iyo Cali Shigshigow, iyo Xasan Rubeeti oo ku hoos noola aabahood.
Habeenkii uu Axmed Silanyo gurigayga iigu yimi aan la saxeexay warqadii xeer ilaalinta ee aanu KULMIYE ku diiwaangelinay maan waydiin magaca ururka lakiin markii aan subaxnimadii soo kacay ayaan …ku arkay in la yidhaa KULMIYE anigoo makhaayad bun ka cabayana waxa dhegta igaga soo duushay waxa la yidhi” INANKIISA AYUU UGU MAGAC DARARAY”, markaasaan xusuustay in inamadiisa mid Kulmiye magaciisu ahaa oo berigii Qaaxo ayay mucaaridkiisu ku xaman jireen wuxu ugu magac daray Xuseen Kulmiye Afrax AHN eh. Kolkaan bunkii dhamaystay ayaan guriga ugu tegay abaar I 9:00 subaxnimo. Toos ayaan ugu idhi waxa la leeyahay ururka magaca inankiisa ayuu u bixiyaye bal ka waran. Intuu qoslay ayuu yidhi ”
Caliyow cidda magaca bixisay in inankayga Kulmiye la yidhaaba may aqoon”. Axmed beenta ma aqoon anna sidii baan ka rumaystay. Kulmiye bal maanta eega oo miyaan Maslax odhan karaa sow ilaahay I qabsan maayo. Saw noqon maayo qof cadhadu indho tirtay wax aan jirin loo sawiray.
Qoyska cusubi aniga waxa aan hambalyo iyo Duco ahayn igama mudna. Waxa leeyahay ilaahay ha idinka dhigo kuwii isku raaga ee isku reeya ubad khayr qabana ilaahay ha idin kala siiyo. Aamiin. ayuu qoraalkisii ku soo gebegabeeyay Mujaahid Cali Guray.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here