Cali Guray Oo Ka Faallooday Ikhtiyaarka Kaliya Ee Cirro U Bannaan

0
709 views
Viber Optic-ga Waxa Kaliya Oo Loo Ogolaaday Somcable Oo Uu Leeyahay Nin Si Qaawan U Taageera Kulmiye,” Dr Cirro

Cali Guray Oo Ka Faallooday Ikhtiyaarka Kaliya Ee Cirro U Bannaan

Hargeysa(Sayruuq)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku gacan saydhay dalab guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ku doonayay in guddida doorashooyinka Qaranka la kala diro lana dhiso mid cusub. Go’aanka labadan xisbi ayaa cakiray ikhtiyaarrada u bannaan Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Siyaasiga Cali Guray ee ka tirsan xisbiga Kulmiye waxay la tahay in arrinka kaliya ee Dr Cirro u bannaan yahay in uu diido ka qayb galka doorashada maaddaama aqlabiyadda xisbiyadu ogol yihiin in Komishanka hadda jira sii wadaan doorashooyinka soo socda ee wakiillada iyo goleyaasha degaanka kuwaas oo loo arko in murankan dib u ridi karo.

“Gudoomiye Cirro wuxu bixiyay amar codsi maaha baryo maaha. Hadii amarkiisa la diido wuxu qaadi doonaa talaabo laakiin talaabada keliya uu qaadi karaa waa in xisbigiisu aanu ka qaybgelin doorashada. Yaa khasaaray yaa faaiiday. Ilaahayow aanaan maskaxda ka abaaroobin. Doorashadii kal hore dhacday wuu ogyahay in aanay soo noqon karin tu dambena u malayn maayo inu rejo ka qabo hadda rag isaga karkaarka waydaarinayaana way jiraan oo hadba sidaa dheh odhanayaana. Gacan dibadeedna malahayga kama madhna. Isaga ayay u taalaa laakiin sharciga kama waynaan karo,” Sidaas ayuu yidhi Cali Guray oo ka faalloonayay go’aanka Dr Cirro.

Hoggaanka xisbiga Waddani ayaa tan iyo markii doorashadii madaxtooyada ee 13 November dhammaatay waxa uu ku celcelinayay in lagu shubtay doorashada, islamarkaana guddida doorashadu khaladaad waaweyn samaysay taas oo abuuraysa godob dhex taalla Waddani iyo guddidan ay suuro gal tahay in ay doorashooyinka soo socda qabtaan waana arrinta sii cakiraysa in xisbiga Waddani galo doorasho ay guddidan hoggaaminayso.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.