“Caku Mudanahaygii, Mooryaantu Dhaantoow” Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) Oo Tiriyey Maanso Uu Kaga Hadlaayo Boobka Waddankii Wax Kasta Lagu Xaraashaayo.

0
6 views

Hargaysa(Sayruuq)Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa maanso uu ku dhaliilaayo u tiriyey golahayaasha wakiilada iyo guurtida somaliland oo shalay ansixiyey in saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera halkaasi oo ku dhawaad 144 mudane oo labada gole ka mid ahi ay HAA ugu codeeyeen in la siiyo Imaaraatka Carabta gudaha Somaliland.

16736013_10154991719733535_1617806035_n

Halkan Ka Akhriso Maansada:
Caku mudanahaygii
Mooryaantu dhaantoow
Dhiig miirtihiiyoow
Kii loo mashxaradee
Isna nagu maqnaayee
Quus nagu macsuumoow.
Maxastiyo Adduunkii
Macaluul ku nooshiyo
Wadhatada miskiinta ah
Laga faro maroojiyey,
Sawtaad malaayiin
Moohaar ku gurateen,
Iimaan macbuud baa
Uur madhane buuxshee
Xaaraanta maandhoow
Ma mahadin hortaa jire.
Milladii islaamkiyo
Dhaartaad marteeniyo
Xaqa muuminiintiyo
Ducadii madluunkee
Toos loo maqlaayiyo
Mawdkiyo xabaashiyo
Munkar iyo nakiiriyo
Qabrigii madoobaa
Ee maro cad mooyee
Maal lala tegayniyo,
Muduciga qiyaamaha
Maxkamada ilaahay
Kugu maadsanaayiyo
Xaaraanta maandhoow
Cishadaa macaanayd
Muruqaad ku xoogtiyo
Midigtaad ku taabtiyo
Dhuuntii ad marisaa
Kugu marag furaysiyo
Mustafaha warkiisii
Moogaha illaawoow
Magac dhawristiiyo
Dhaqankii masuulnimo
Xil kaskiyo marwaadkii
Maydhaamihiiyoow,

Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here