Caddaani Oo U Jawaabay Wasiir Guri Barwaaqo & Abees

0
838 views
Caddaani Oo U Jawaabay Wasiir Guri Barwaaqo & Abees

Caddaani Oo U Jawaabay Wasiir Guri Barwaaqo & Abees

Hargeysa(Sayruuq) wasiirkii hore ee warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani ayaa ka jawaabay tallaabada wasiir Guri Barwaaqo ka qaaday qayb ka mid ah shaqaalaha iyo hadal wasiir xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees ku sheegay in ay telefishanka Qaranka ugu yimaadeen hal Computer waxaanu sheegay in shaqaalaha warfaafintu shaqo adag hayaan manfac badana aanu soo galin una baahan yihiin in loo tudho oo si odaytinimo leh loola dhaqmo.

Waxa uu ammaanay shaqaalah wasaaradda warfaafinta oo uu sheegay in aanay lahayn xilli fasax ah, islamarkaana uu shaqo fiican ka qabtay muddadii uu joogay“Wasaaraddaas oo waxaan imid buuq badan ka jiro, waxaanan ka tagay wasaaradda oo jabsan oo hablo iyo ragba aan isleeyahay waa muwaadiniin dalkani u baahan yaha,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka hore.

Isaga oo si dadban ugu jawaabaya wasiirka xilligan wuxuu sheegay in ay duruufo ku xeeran yihiin shaqaalaha una baahan yihiin in loo dulqaato“Dhallinyaro weeye oo dhallinyarada waa la isku dhac-dhaca, waan u odayayn jiray anigu oo ninka dhallinyarada ah ee soo koraya wuxuu ku fiican yahay in aad tilmaanto halka aad mar walba sharciga la eeganayso waayo carruur bay walaal leeyihiin, xaasas baa jira, waxay qaatan waynu ka war hayna, halganka ay ku jiraan baynu ka war hayna, haddii aan walaal loo odayayn oo waxa yar ee ay kugu sameeyaan aanad liqin ilayn masuulkii weyna ee reerka ayaad tahaye waxaad arkaysa iyagii oo isbedelay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Caddaani.

Waxa kale oo uu si toos ah ugu jawaabay wasiir xigeenka warfaafinta “Kombuyuutar kaliya ayaan wasaaradda ugu imid waa hadal caqliga ka weyn, TV-ga Qarankuna waa kii aan abaaraha ka gali jiray(barmaamijyada tooska ah) oo waad ogayd wixii yaallay, Kombuyuutar kaliya kama tagin ee wasaarad buuxda oo dad iyo qalab ba buuxda ayaan ka tagay oo magac leh oo sharaf iyo haybad leh.” Sidaas ayuu yidhi Caddaani.

Halkan ka daawo waraysi Caddaani siiyay Horn Cable tv

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here