Cadami Oo La Waydiiyay In Ay Madaxweyne Biixi Is Neceb Yihiin

0
644 views
Cadami Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga Kulmiye

Cadami Oo La Waydiiyay In Ay Madaxweyne Biixi Is Neceb Yihiin
Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Somaliland oo Sheegay in Arrinta Tukaraq ay Dhaawac Dhinaca Arrimaha Dibadda ah Soo Gaadhsiisay Somaliland Kana Hadlay Colaad La Weriyo in ay u Dhaxeyso Isaga iyo Madaxweyne Biixi
“Muuse Ninka Aanu Iskaga Dhaweyn Wuxu ahaa Siilaanyo Oo Ixtiraam Inta Qof Wasiir Ah La Siiyo Nin La Siiyo Ayaan Ahaa.”.
Hargeysa(Waaberi):-Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Md.Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa saluug xoogga ka muujiyey tallaabaddii ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi u qaadey dhinaca Tukaraq, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay dhaawac weyn oo dhinaca dibadda ah ay soo gaadhsiisay Somaliland isaga oo aad carabka ku dhuftay in ay waxyeeli karto deeqahii ay Somaliland ka heli jirtay beesha caalamka gaar ahaan taakuladdii dhinaca Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda ee dalka.
Md.Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sidan ku sheegay wareysi gaara oo uu siiyey Wargeyska Waaberi, waxaana uu sida oo kale hadlay, warar inta badan la weriyo oo sheega in colaad shakhsi ahi ay u dhaxeyso isaga iyo Madaxweynaha talada dalka haya ee Somalililand, waxaana uu ugu horreyn ka hadlayaa aragtidiisa ku aadan arrinta Tukaraq ee Somalililand u qaadey dhinaca xuduudka.
“Waxa aan qabaa in arrinta Tukaraq ay wax badan ina seejisay, anigu gudaha ka hadli maayo se waxa aan sheegayaa ra’yi caamka dibadda ah oo dhexdeena ka hadli maayo, arrinkaa Tukaraq mid cusub maaha, sida loo tegayaana waxa ay u baahan tahay in la sii darso oo laga fakero waxani muxu noqonayaa ma saxbaa ma qalad baa markaa taxadarku waa fiican yahay marka hore ba se canaantu waxba ma tarto marka dambe, halka aynu joognay ee Tukaraq iyo caasimaddii oo Laascaanood ahayd ba waa aynu ka haynaa oo ciidankeenaak kheyrka qaba ee feejigan dhinacooda xagal-daac weli kama imanin, ra’yiga ay qabaana waa kaa aan anigu qabo oo kale, waana muwaadiniin is leh dadkaaga u daneeyoo niman khaa’inimo lagu tuhmi karo maaha. Waa wanaagsan tahay haddii la yidhaahdo iyo haddii aad tidhaahdo nimankan kale na walaalo ayaanu nahay oo isku dhinac baanu ku wada nool nahay, markaa awal ba dhowr iyo labbaatan sanno ayaanu meesha joognee waxba na lagu ma qabsan jirin, 20kaa sanno ee aanu soo marnay dhulkaa soo celiya cidna ismay odhanin, markaa waxa aan aaminsanahay in inta Tukaraq innoo geysan lahayd iyada oo camiliyan ah ayaa la hayaa, go’aanka dawladdu gaadhayna xaq bay u lee dahay ee ay weli ba lee dahay intaas oo meyl baa anaga noo hadhay, markaa ninka dibadda ka yimi ee aan ina aqoonin in aynu dhul kala jiidaneyno ayuu moodayaa, markaa marka dhinaca dibadda la eego,dhaawac bay inagu keenaysaa arrintaa Tukaraq oo illaa iyo doorashooyinka soo socdaa lacagahoodii la innoo soo waday, illaa hirgelinta dimuqraadiyadda lacagaheedii baa la innoo soo wadey oo aan ka hir-gelin Xamar iyo meel kale toona, waana hantida ay Somaliland haysato oo taas ah, markaa waxa ay ahayd in aynu awoodaas aynu helnay aynu ilaashano ee wax la inagu siinaayo oo aan la inaga shakiyin.”.Ayuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliland Md.Axmed Xaaji Cali Cadami oo sida oo kale na ah odey reer Somaliland ah, ayaa sida oo kale ka hadlay colaad iyo khilaafaad shaksi ah oo inta badan la weriyo in uu u dhaxeeyo isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu arrintaas ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin isla mar ahaataana aanay jirin wax colaad iyo dhibbaato ah oo u dhaxeeya isaga iyo Madweyne Muuse, waxa sida oo kale uu ka sheekeeyey aqoonta ay isku lee yihiin Muuse Biixi iyo Siilaanyo.
“Siilaanyo waxa aanu is baraney mar uu ka shaqeynaayey Xamar, oo weli ba ahayd markii Kacaankii soo baxay oo ninkaa Marxuumka ahaana la soo shaqeeyey oo agtiisa laga jeclaa ayuu ahaa marka wasiiraddii kale ee wakhtigaa la bar-bar dhigo, waxa markaaba Siilaanyo loo yaqaanay in uu ahaa geesi ku dhac leh, markii dambe ee uu ganacsiga qabteyna kuwo uu dalacsiyey oo uu safiiro ka dhigay baanu isku aragnay carigaa dibadda ee aan ka imi, illaa wakhtigaa isaga xidhiidh baanu wada lahayn, qofka aad taqaano iyo ka kale na isku mid maaha oo aad iskuma naqaano Muuse oo xididnimaddaas uun baa isku kaaya geynaysa Muuse, aqoon kale oo dheer oo aan u lee yahay ma jirto. Haddadaas na wax dhiilo ah iyo wax is qabad ah oo shakhsiyan ah oo aniga iyo Muuse noo dhaxeeyaa ma jiraan, isaga ninkaa aanu iskaga dhaweyna wuxu ahaa Siilaanyo oo ixtiraam inta qof wasiir ah la siiyo nin la siiyo ayaan ahaa, kartideyda shaqadu na(Performance) aad bay u wanaagsanayd, Muuse na wixii hawlo nasoo kala dhex gala in aanu si furan uun uga wada-hadalno uun mooyaane wax kale may jirin, wax Allaale iyo wax aanu ku kala aar-gudaneyno oo dhibbaato ah oo na dhex-yaalaana ma jiraan.”.Ayuu yidhi Ex-Wasiir Cadami.
Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.