Cabirka Madaafiic Puntland Soo Iibsatay

0
1,492 views
Gaas & Beelihii Uu Dagaalka Ku Abaabulay Oo Isla Cadilan
Gaas iyo Camay

Cabirka Madaafiic Puntland Soo Iibsatay

Hargeysa(Sayruuq):-Xogo Wargeyska Waaberi ka helay magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ay wadaan abaabul ciidan oo ay doonayaan sidii ay mar kale weerar xooggan ugu soo qaadi lahaayeen dawladda Somaliland ka dib markii hore looggu jabiyey weerar qorsheysan oo ay ku soo qaadeen ciidamada qaranka Somaliland ee jiida hore.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen wargeyska Waaberi, waxay maalmahii u dambeeyey Madaxtooyada Puntland mashquul ku ahayd abaabul ciidan iyo urursiga saanado Milatari oo sababi karta in mar kale uu dagaal ka dhex-qarxo dawladda Somaliland iyo Maamulka Puntland, waxaana ay wararku xaqiijiyeen in Maamulka Puntland ay Afar Madfac oo cabirkoodu yahay 85mm isla mar ahaantaana tiiro toosan ah ay ka soo iibsadeen Kooxda Ehlu Sunnah Wal-jamaaca ee dalka Somaliya halka markii hore hubka ay haysteen uu ugu weynaa oo keliya Qoriga cabirkiisu yahay 120mm oo tiiro-qaloocan ah.

Hubkan ay soo iibsadeen Maamulka Puntland, ayaa magaalada Garoowe soo gaadhay maalin ka hor oo ku beegmaysa maalintii Salaasada ee toddobaadkan, waxaana khubaro ciidan oo Wargeysku wax ka weydiyey hubkaasi ay sheegeen in ridada hubkaasi ay gaadhi karo masaafo dhan 15km.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Dr.Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey oo isna ay warbaahintu ka heshay cod sir ah oo uu kula hadlaayey qurba-joogta Maamulkaasi, ayaa ka shifaaya abaabulka ciidan ee ay maamul ahaan ugu jiraan siddii ay weerar ugu soo qaadi lahaayeen Somaliland, waxaana uu ku andacooday in ay u qorsheysan tahay in ay toddobaad gudahii ku soo gaadhaan magaalada Laascaanood.

“Sida aad ka war-haysaan waa Afar-bilood iyo badh inta dagaalkaas qorshahiisa iyo abaabulkiisu socday, ragna waa ku dhinteen, rag fara badan, fara badana waa dhaawac, markaa waa in fadhiga laga kacaa oo la diyaar garoobaa. Waxaanan rajeynayaa in haddii Alle yidhaahdo muddo toddoba cisho gudahood ah in la dhaafi doono magaalada Laascaanood, ninka dagalkaas ka hadhaana waa nin difaacan waayey dhaxalkii awoowyaashi.”.Ayuu ku yidhi Madaxweyne ku xigeenka Puntland ku yidhi codka sirta ah ee laga helay.

Guddida amniga ee Puntland oo Iyana shir-jaraa’id ku qabatay Garoowe, ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay weerar ku soo qaadaan Somaliland, waxaana ay soo saareen qodobo dhowra oo iskugu jira digniino, gubaabooyin iyo weli ba amaro ay farayaan shacabka Puntland.

Geesta kale, dawladda Muqdisho, Maamulka Jubbaland iyo maamul goballeedyada kale ee Somaliya, ayaa iyagu na caddeystay taageerada iyo garabka ay siinayaan Maamulka Puntland iyada oo dawladda Muqdisho ay hore Garoowe iyo Garbahaaray u soo siisay hub tiro badan iyo ciidamo aan la qiyaasi Karin halka sida oo kale na ciidamada Itoobiya ee nabad Ilaalinta u jooga Somaliya ay hor istaageen ciidamo ay Maamulka Jubbaland u so direen ka qeyb-qaadashada dagaalka ay hurinayaan Maamulka Puntland.

Xiisaddan dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq ayaa ah mid aad u halis badan, waxaana suurto-gal ah in mar kale uu halkaas dagaal ku dhex-maro ciidamada Somaliland iyo ciidamada maamulka Puntland ee isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee bariga Somaliland.

Source: Wargeyska Waaberi oo Hargeysa ka soo baxa

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.