Cabdwali Gaas Oo Difaacay DP World & Lacagta Muqdisho Lagu Haysto

0
331 views
Carrabta Oo Dacaayadaysay Socdaalka Cabdwali Gaas Ee Imaaraadka

Cabdwali Gaas Oo Difaacay DP World & Lacagta Muqdisho Lagu Haysto

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay danaynayaan heshiiska ay kula jiraan shirkadda DP World ee maamulaysa dekedda Boosaaso. Waxa kale oo uu sheegay in ay qayb ahaan leeyihiin lacagta Imaaraadka ee xukumadda Muqdisho haysato.

Inkasta oo baarlamaanka Soomaaliya soo saaray go’aan lagu mamnuucayo shirkadda Imaaraadka ee maamusha dekedda Boosaaso waxa uu madaxweyne Gaas sheegay in aanay ka maarmayn hawlaha ay la waday “Imaaraadku mashaariic kaabeyaasha dhaqaalaha Puntland ugu waaweyn ayay hayaan; waxa ugu horaysa balaadhinta dekedda Boosaaso oo waa tii aanu heshiiska la saxeexanay bishii April ee sanadkii hore, sidoo kale rajo waxaanu ka qabna jidad iyo Free Zone in naloo sameeyo. Waxay noo ballanqaadeen in ay abaaraha naga taageerayaan oo ay ceelasha iyo wixii la mid ah naga taageerayaan,” Sidaas ayuu yidhi mudane Gaas.

Waxa kale oo uu sheegay in ay lacag ka badan saddex milyan oo dollar ku leeyihiin lacagta Imaaraadka ee xukumadda Muqdisho haysato oo dhan $9.6 doollar.

Dhegayso waraysiga Cabdiwali Gaas

Source: VOASomali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here