Cabdullaahi Yuusuf oo aan bedbaadiyey markii uu ka goostay Soomaaliya.Q/ Ambassador Cawil

0
116 views

Sidii aan qormadaydii hore kaga hadlay, inqilaabkii ay qorsheeyeen Kornayl Maxamed Xasan “Cirro” iyo Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxu noqon lahaaba wuu fashilmay, wuxuuna soo celiyey kalsoonidii Maxamed Siyaad Barre isaga oo daboolay niyad-xumadii wakhtigaas jirtay ee dhinaca ciidanka iyo tii dadweynaha labadaba. Kacaankii Soomaaliya ka talinayey wakhtigaa tamartiisu hoos ayay u dhacday. Wuxuu sumcad-xumo iyo niyad-jab ka qaaday dagaalkii uu la galay Itoobiya ee ay Soomaaliya sida xun ugu jabtay. Fashilaadda inqilaabku waxay bixisay sawir ah in awooddii Maxamed Siyaad Barre ay weli sii jirto. Su’aasha muhiimka ahi waxa weeyi, maxaa afgembiga fashilyey?

Saddexdan qodob ayaa ugu muhiimsanaa sababihii fashilka inqilaabka:

1. Iyaga oo inqilaabka ku koobay saraakiisha Majeerteen oo kali ah, kuwaas oo dhammaantood dhallinyaro ahaa. Kornayl Cirro waxa u sahlay abaabulka uu Xamar ka waday, kana idho-saabay ciidankii nabad-sugidda ee NSS-ta, waxay ahayd isaga oo haystay kalsoonida madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Inta uu abaabulka ku jiro maahee inta kale wuxuu la fadhiyi jiray Maxamed Siyaad Barre. Inkastoo Kornayl Cirro ahaa Majeerteen, hooyadii ayaa kasoo jeedday qoys Mareexaan ah oo si weyn looga ixtiraami jiray Soomaaliya; qoyskaas oo ay ka mid ahaayeen Xuseen Maxamuud “Koofiyad-Cadde” oo ahaa Guddoomiyaha Shariikadii Somali Airlines, mar dambena noqday safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti iyo Sheekh Cabdulle Maxamuud oo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga. Wuxuu Cabdillaahi Yuusuf ii sheegay, mar uu magaalada Nayroobi iigu warramay, in ay adeegsan jireen haween warka u kala qaada saraakiishii inqilaabka ku hawlanayd, waayo haweenka tuhun iyo shaki midna laga qabi maayo. Wuxuu matal ii siiyay qof haween ah ayaa sarkaal ku odhanaysa “Kornayl Cirro ayaa ku doonaya caawa. Wuxuu jidka Warshadda Baastada 7.00-da fiidnimo taayir kaga beddelayaa baabuurka uu wato. Halkaas ugu tag si loo moodo laba qof oo iska caawinaya taayir banjaray, kuna kala war-qaata.”

2. Saraakiishii ka soo jeedday beelaha kale ee Soomaaliyeed oo aan marnaba aqbaleen inqilaab uu Majeerteen hoggaaminayo, kana hor yimid.

3. Kornayl Cabdullaahi Yuusuf oo ka gaabiyey doorkii uu ku lahaa afgembiga isaga oo ka maagay in uu dhinaca Xamar u soo dhaqaajiyo soddon kun oo askari oo uu taliye u ahaa.

Markii uu inqilaabkii fashilmay Cabdullaahi Yuusuf oo ay weheliyaan 4 sarkaal waxay u soo gudbeen magaalada Mandheera ee ku taal xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Goor ay saacaddu tahay 8.00-dii subaxnimo, 11-kii April 1978, aniga oo aan weli guriga ka bixin ayaa telefoon soo dhacay. Markii aan qabtay waxa ila hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Dr. Munyua Waiyaki. Wuxuu i weydiiyey “Ma taqaan Kornayl Cabdullaahi Yuusuf?” Haa ayaan ugu jawaabay.

Wasiir Waiyaki waxa laga soo dooran jiray xaafadda Soomaalida ee Eastleigh, wuxuuna jeclaa wixii uu Soomaali la qaban karo in uu la qabto. Wuxuu kasoo jeeday qabiilka Kikuuyuda oo madaxweyne Jomo Kenyatta ku abtirsado. Waa qabiilka Kenya ugu tirada badan. Aabihii wuxuu ahaa “chief” caaqilka kali ah ee taageeri jiray Kenyatta markii uu u halgamayay gobonimo-doonka Kenya. Saddex waddo ayaa ugu weyn magaalada Nayroobi iskuna xidha qaybaha ay caasimaddu ka kooban tahay. Mid waxa la yidhaa “Kenyatta Avenue”, waxa loogu magacdaray Madaxweyne Jomo Kenyatta; midna waxa la yidhaadaa “Waiyaki Way”, waxa loogu magacdaray Wasiirka aabiihii Chief Waiyaki; tan saddexaadna waxa la yidhaa “Uhuru Highway” ama “Waddadii Xoriyadda.”

Wasiir Munyua Waiyaki wuxuu ii sheegay in magaalada Mandheera lagu hayo Cabdullaahi Yuusuf iyo afar sarkaal oo kale. Wuxuu kaloo ii sheegay in dawladda Kenya ay go’aan ku gaadhay in dib loogu celiyo Soomaaliya maadaama saraakiishani lug ku lahaayeen burburintii loo geystay Itoobiya. Shirka arrinkan lagu falanqeeyey ee Golaha Wasiirrada waxa guddoominayey Madaxweyne-xigeenka Kenya, Daniel Arap Moi.

Waxaan wasiirka u sheegay haddii Kenya ay saraakiishaas dib ugu celiso Soomaaliya ay hubaal tahay in la toogan doono. Wuxuu ii sheegay in uu isagu ku dooday in aan dib loo celin laakin Golaha Wasiirradu u bateen in dib loo celiyo. Wuxuu intaa iigu daray in qofka kaliya ee arrinkaas joojin karaa uu yahay Madaxweyne Jomo Kenyatta.

“Reer Kenyatta waydinka isku fiicane Margaret Kenyatta ha kuu geyso Madaxweynaha” ayuu yidhi.

Wakhtigaas ma aanan ahayn danjire laakiin xidhiidh toos ah ayaan la lahaa Madaxweyne Kenyatta iyo qoyskiisa; sababtoo ah waxay saxiib ahaayeen soddogay Maxamed Xasan oo ahaa maal-qabeen ganacsi ballaadhan ku lahaa meelo badan oo ka tirsan deegaanka qabiilka Kikuyu ee uu ka soo jeedo Kenyatta. Markii uu 1948-kii Kenyatta dhisay xisbiga KAU (Kenya Afrika Union) waxa kharashka ka bixiyey soddogay.

Margaret Kenyatta, gabadh uu dhalay Madaxweynuhu oo ahayd maayorka magaalada Nayroobi, ayaan mar geeyey Muqdisho, Hargeysa iyo Berbera. Wiil uu dhalay Kenyatta oo la odhan jiray Peter Kenyatta oo ahaa Wasiir-Xigeenka Arrimaha Dibedda, waxaan isna geeyey Muqdisho si uu u soo arko dalka.

Waxaan ahaa danjiraha kaliya ee isaga oo aan Wasaaradda Arrimaha Dibedda sii marin toos ugu taga Madaxweynaha. Wuxuu Kenyatta igu odhan jiray:

“Soddoggaa Maxamed Xasan walaalo oo kale ayaanu ahayn. Wuxuu ahaa nin Afrikaannimada ku faana, deeqsi ah, geesi ah, caddaanka iyo Ingriiskaba iska celiya”.

Markii aan telefoonkii wasiirka dhigay degdeg ayaan u baxay. Waxaan xafiiskeeda ugu tagay Margaret Kenyatta, maayorkii magaalada Nayroobi. Waxaan u sheegay arrinta degdegga ah ee jirta, waxaanan ka codsaday in ay aabaheed ii gayso.

Waxaanu gurigii Madaxweyne Kenyatta ee Gatundu gaadhnay 11.00-kii subaxnimo. Kenyatta wuxuu fadhiyey beerta guriga, iyada oo loo ciyaarayey ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Waanu gacan qaadnay. Kadibna Margaret waxay u sheegtay in aan doonayo in aan arrin kala hadlo. Kenyattaciyaartii ayuu hakiyey waxaanu igu yidhi:

“Mr. Ambassador, what can I do for you” oo macnaheedu yahay “Mudane Danjire, maxaan kula qabtaa?”

Waxaan Madaxweynaha uga warramay saraakiisha lagu hayo Mandheera iyo go’aanka dawladdu ku gaadhay in dib loogu celiyo Soomaaliya. Waxaan u sheegay haddii la fuliyo go’aankaas dawladda Kenya dib ugu celinayso saraakiisha Soomaaliya in dhammaantood la toogan doono. Waxaan ku idhi:

“Waxaad ka mid tahay aabayaasha Afrika, arrintanina waxay adiga iyo dawladda Kenya u soo jiidi doontaa magac-xumo weyn.”

Si fiican ayuu ii dhagaystay. Markii aan hadalkii dhammaystay ayuu telefoon ag yaallay lambar taabtay. Qofkii wuxuu kula hadlay af-Kikuyu. Waxaan ku qiyaasay hadalkiisu in aanu toban erey ka badnayn, kadibna telefoonkii ayuu isa saaray. Margaret Kenyatta ayaa igu tidhi “Arrintii way dhammaataye ina keen.”

Markii aanu baabuurkii soo fuulnay, Margaret waxay ii sheegtay in qofkii aabaheed la hadlay uu ahaa taliyaha sirdoonka Kenya Mr. Kanyutu oo uu madaxweynuhu adeer u yahay. Madaxweynuhu wuxu ku amray Mr. Kanyutu in uu iska ilaawo go’aankii dawladdu gaadhay, saraakiishaasna uu soo qaado oo huteel dejiyo, martina ay u yihiin dawladda Kenya muddada ay dalka joogaan.

Abbaaro 4.00-tii galabnimo ayuu ila soo hadlay Wasiirkii Arrimaha Dibeddu Dr. Wayiaki. Wuxu ii sheegay in Cabdullaahi Yuusuf iyo saraakiishii kale la dejiyey Huteelka Fairview ee ka soo horjeeda safaaradda Yuhuudda. Markiiba huteelkii ayaan ugu tagay. Waxay gashanaayeen tuutihii Milatariga. Suuqa ayaan tagay, waxaanan uga soo iibiyey dhar ay iskaga beddelaan labiska milatariga.

Muddadii uu Cabdullaahi Yuusuf Nayroobi joogay maalin-dhaaf ayaanu u kulmi jirnay. Wuxuu ii sheegay in uu damacsan yahay in uu Itoobiya tago oo uu halkaas ka abaabulo jabhad la dagaalanta xukunkana ka tuurta Maxamed Siyaad Barre.

Waxaan Cabdullaahi Yuusuf kula taliyey in aanu abaabulin jabhad ka soo dagaal gasha Itoobiya. Waxaan kaloo u sheegay in haddii uu arrintaa ka dhabeeyo ay Soomaalidu sida ay u dhan tahay la safan doonto Maxamed Siyaad Barre iyo xukumaddiisa iyaga oo aan rabin in qabiil xoog ku qabsado dalka. Waxaan kula taliyey in uu ganacsatada beesha uu ka soo jeedo sida Xuseen Xaaji Xasan, Cismaan Xaaji Xasan, Faarax Guure, Ciddi-Libaax iyo Badhaa, ka codsado in ay baabuur Fiat ah oo is-jiid ah u gadaan, muddo yarna sugo dhinaca ay siyaasadda Soomaaliyed u jeedsato.

Cabdullaahi Yuusuf wuxu ahaa shakhsi go’aanka uu qaato, sax iyo qalad midka uu oo doono ha noqdo’e, aan beddelin. Waa la og yahay halka ay aakhirkii ku dambaysay jabhaddii uu aasaasay ee SSDF (Somali Salvation Democratic Front) iyada oo aanay wax la taaban karo u qabsoomin iyo dhibaatadii ka soo gaadhay beesha uu ka soo jeedo.

Waa inoo toddobaadka dambe iyo qormo cusub haddii Alle idmo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here