Cabdiwali Gaas Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Abu Dabay

0
990 views
Madaxweynaha Puntland Ayaa Ku Taliyay In Federaalka Soomaaliya Lagu Saleeyo Qabiil

Cabdiwali Gaas Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Abu Dabay

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u muuqda mid ka talo goostay xukumadda Farmaajo ayaa warbaahinta Carabta iyo ta caalamka kula hadlay caasimadda Imaaraadka. Waxa uu sheegay in uu xidhiidh muhiim ah ka dhexeeyo Imaaraadka iyo Soomaaliya, islamarkaana ay abaal badan u gashay intii Burburkii Soomaaliya dhacay.

Waxa uu sheegay in Imaaraadku Soomaaliya la yahay bahwadaag istaraatijiyadeed oo muhiim u ah la dagaalanka Argagixisada, tahriibinta dadka iyo budhac badeeda.

Waxa uu sheegay in heshiiska shirkadda DP World kula jirto Puntland yahay maalgashiga ugu weyn ee Puntland heshay tan iyo 1991 oo ay dhacday dawladdii Soomaaliya. Waxa uu sheegay in mashruucu abuurayo kumanaan furasadood oo shaqo oo ay ka faa’iidaysanayaan dhalinyarada shaqada la. Waxa uu sheegay in ay soo jiidanayso maalgashi dibadeed oo ku soo hirta Puntland. Waxa kale oo ay soo kordhinaysa horumar dhaqaale iyo mid amni ayuu yidhi Mr Gaas.

Madaxweyne Gaas waxa uu sharraxay ujeedka Federaalka Soomaaliya waxaanu sheegay in talada oo ay Muqdisho isku koobta tahay wixii riday dawladdii Soomaaliya “Soomaaliya maaha Muqdisho oo kaliya, Muqdishona maaha Soomaaliya oo dhan,” Sidaas ayuu yidhi Mr Gaas oo sheegay in ay tahay in arrimaha siyaasiga ah ee mustaqbal ay tahay in gobolladu ka wada arrinsadaan, islamarkaana aanay xukumadda Muqdisho kaligeed talada u goosan si kalitalisnimo ah.

Hoggaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas wuxuu sheegay in maamulkiisu xaq u leeyahay in uu heshiis la galo dal shisheeye.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.