Cabdiwali Gaas Oo Ka Hadlay Suldaan Ciidamadiisu Dileen

0
991 views
Cabdiwali Gaas Oo Ka Hadlay Suldaan Ciidamadiisu Dileen

Cabdiwali Gaas Oo Ka Hadlay Suldaan Ciidamadiisu Dileen
Badhan(Sayruuq) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa ka hadlay Alle ha u naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ku baxay gacanta ciidanka Puntland. Suldaan Xasan oo ahaa Suldaanka beesha Aadan Siciid ee Warsangeli ayaa maanta qado sharaf u samaynayay Cabdiwali Gaas iyo wefti uu hoggaaminayay oo maalmahan ku sugna bariga gobolka Sanaag siiba Badhan.
Hase ahaatee ciidamada kaantarool u dhexeeya Hadaaftimo iyo Badhan ayaa tacshiirad ku furay gaadhiga Suldaanka. Madaxweyne Gaas oo hadal ka jeedinayay qada sharafta lagu maamuusay ayaa ku baaqay in aanay beesha Suldaanku wax aargoosi ah samayn balse loo duceeyo.

“Waxaan tacsi ka diraya geeridii lama filaanka ahayd ee Suldaan Xasan Cali Jibriil oo runtii ahaa suldaan qiimo leh oo inaga wada geeriyooday. Qofka Suldaanka ama Isinka ah beel gaar ah maaha ee Puntland iyo Soomaali oo dhan ayuu u yahay. Shaqada ay ahaana dawlad ahaan amniga iyo isku haynta dalka qayb ayay ka yihiin,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Gaas oo tacsi u diray ehelka Suldaanka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.