Cabdiwali Gaas Oo Imaaraadka Carabta Taageeray

0
584 views
Cabdiwali Gaas Oo Imaaraadka Carabta Taageeray

Cabdiwali Gaas Oo Imaaraadka Carabta Taageeray

Madaxweynaha maamulka Puntland ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga Ciidamada Badda Puntland ee Imaaraadku maamuli jiray ayaa sheegay in aanay sinaba uga maarmayn taageerada dawladda Imaaraadka.

“Madaxwayne Gaas waxaan rabaa in aan idiin sheego in aan dowlada Imaaraadka ka codsanay in ay sii wadaan Taageerada Iyo tababarida Ciidamada Badda Puntland ayna  sii laba jibaaraan. waxaad kale oo aad ogtihiin in Imaaraadku mashaariic malaayin dolar ay Puntland ka wadaan. Ma jirto Cid noola siman Imaaraadka Carabta oo noo buuuxin karta Booskooda,” Sidaas ayuu yidhi Cabdi Wali Gaas.

Hadalka hoggaamiyaha Puntland ayaa imanaya markii shalay dawladda Imaaraadku shaacisay in ay joojisay iskaashiga Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay tababar iyo mushahar siinaysay ilaa 2500 ciidamada Soomaaliya ah kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidamadda Badda Puntland oo deggan degaannada xeebta ku teedsan.

Warbixin ay dhawaan qortay VOA ayay ku sheegtay in dawladda Imaaraadku taageero ka wayday maamulka Puntland kadib markii maamulku ku kala qaybsamay go’aan lagu taageeri lahaa Imaaraadka. Waxa la sheegay in qaybo wasiirrada iyo xildhibaannada Puntland ah la safteen xukumadda Muqdisho oo naas nuujisay.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here