Cabdiraxmaan Cirro ma isaga madaxweyne u tartamay kaw dhaha, mise dad kale ayaa u tartamaayay oo hoosta ku jiray?

0
797

Haddii uu isagu tartamaayay, isaga lagaga adkaaday doorashaddii, mar haddii aad iibsami wayday, miyaanay sunne quman ahayn inuu isagu xisbigiisa ka hor dhaqaaqo, isla markaana dhabarka u rito masuuliyaddii keentay in xisbigiisu doorashaddii madaxtooyadda ku guulaysan waayo.

Waxaan aad uga fajacay markaan dhawr maalmood ka hor baraha warbaahinta ku arkay qoraalo uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ku sheegay inuu cid u magacaabay meel hebel, si isbedel loogu sameeyo xisbiga.

Cabdiraxmaanow, tallo haddaad iga rabto isbedelka adigu iska bilaw, oo masuuliyaddii hogaanka xisbiga soo wareeji, haddii kale WADDANI wuxuu noqon bac madaw oo kolna madaarka Hargeysa lagala sii dhoofo marna lagala soo dhoofo.

Ilaahayba na lahe mucaarid uu hadalku ku dhag-dhagayo oo soo qoslaya shantan soo socota taag uma hayno! Mucaarid farriid ah oo hadalka halkeeda dhigaanu u baahanahay.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose mucaaridku kama maarmo, reer WADDANI waxaan leeyahay laba mid ayuunbaydin noqon, xisbi sixitaanka halkiisa ugu taga ileen meel madaxa ka saraysa oo la salaaxa ma jirte, ama baso uun baso ah si kastoo loo subko sida Faysal Cali Waraabe.

Sir yarna waan idin siinayaaye xaqiiqdii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo reer Kulmiye waxay mabsuud ku yahiin, Cabdiraxmaan Cirro oo sii jooga. Waayo iyaga way ugu badinaysa, saw arki maysaan siday durtaba usoo dhawaynayaan Cirro. Laakiin caafimaadka qarranimo ee Somaliland uma wanaagsana mucaarid wayd ah oo aan waxba la iskaga tirinayn.

WQ:Maxamed Diridhaba

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here