Cabdiqaadir-Bagaag: Shamac ka mid ahaa kuwii fanka ifiyey.

0
32
Cabdiqaadir-Bagaag: Shamac ka mid ahaa kuwii fanka ifiyey.

Cabdiqaadir-Bagaag: Shamac ka mid ahaa kuwii fanka ifiyey.
Waxa qoray: Cumar-Seerbiya.

Cabdiqaadir Yuusuf Cismaan Curre oo loo yaqaannay Cabdiqaadir-Bagaag, intii u dhaxaysay 1951 illaa 1952 ayuu ku dhashay degmada Goldogob ee gobolka Mudug. Ka dib wuxuu ku barbaaray magaalada Gaalkacayo sida uu ii sheegay Mu’alifka heesta caan baxday ee Qarad, Pro. Cabdiqaadir Maxamed Shirwac oo ay waxbarashada ka wada bilaabeen bilawgii 1960-kii dugsiga hoose ee Gaalkacayo , waxayna fasalka labaad ahaayeen sannadkii 1963 isaga oo markaasi da’ahaan ku qiyaasay Bagaag inuu 11 ama 12 sanno jir ahaa.
Cabdiqaadir-Bagaag: Shamac ka mid ahaa kuwii fanka ifiyey.

Intaan og ahay magaca “Bagaag” waxa loo yaqaannaa qofka sanka gaaban , laakiin Cabdiqaadir ma ahayn nin sangaaban tilmaanta Soomaalida. Saaxiibbo ay aqoon gaar ah isu lahaayeen oo aan weydiiyey na iima ay sheegin sabab kale oo loogu bixiyey “Bagaag”, waxaa na dhici karta in naanaystan lafteedu macno kale lee dahay.

Cabdiqaadir-Bagaag waxay magaalada Gaalkacayo ku wada noolaayeen Cabdiqafaar Ciise Cagoole oo aqoon shakhsi ah iyo mid xigaalba oo isku lahaayeen ay isu soo dhaweynaysay , taasina waxay ahayd sababta Cabdiqaadir oo cod macaani lagu majiiran jiray marka uu dhexjoogo saaxiibadiisa dugsiga iyo dhallinyarada magaalada uu Cabdiqafaar ugu dhiibay laba heesood oo aad u cajiib ah ( Caynba-cayn iyo Galaydh oo iyadu lahayd qiso jacayl ah oo xooggan ), waxaana Kabanka u tumi jiray nin lagu magacaabi jiray Karbuuno oo ka mid ahaa dhallinyaro dhawr iyo toban ah oo muusikada fanka Soomaaliyeed ka soo dhexmuuqatay kuwaasi oo soo durduurtay Dar-faneed ku yaallay deegaanka Ceelbuur.

Sannadkii 1972 si uu uga qaybgalo tartankii “Heesaha Hirgalay” Cabdiqaadir wuxuu yimi magaalada Muqdisho isaga oo markaasi arday ka ahaa Dugsiga sare ee Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacayo , waxaanu ka qaybgalay tartanka isaga oo ka mid noqday dadkii guulaystay : (tartanka waxa ku guulaysan jiray saddexda fannaan ee u horreeya , waxaana fannaanka kaalinta koowaad galaa uu qaadan jiray abaal-marin dhan 150 Shillinka Soomaali ah , halka labaad iyo saddexaadna ay kala heli jireen 70 iyo 50 Shillin):.

Xilliyadaasi waxay ahaayeen kacdoonkii saddexaad ee fanka Soomaalida marka laga yimaado kii ay hoggaanka u hayeen Abwaanadii Cabdillaahi Maxamuud Muxamed (Qarshe) iyo Xuseen Aw-faarax (Dubad) iyo Kacdoon kale oo isna hirgalay dhammaadkii lixdamaadkii oo isna ay hobollo cajiib ahi ku soo baxeen.
Waqtiga uu Cabdiqaadir-Bagaag fanka u qalabqaadanayay waxa iyaguna dhankooda waday car-carta hibada fanka fannaaniin ay ka mid ahaayeen , Axmed Nuur Sandheere, Muuse Ismaaciil Qalinle , Cabdillaahi Cumar Xarrago-jecel (C/laahi Xarrago) , Cabdi Tahliil Warsame , Cabdinaasir Macallin Siciid , Cabdi Xasan Dige , Xasan Aadan Samatar iyo Cumar Nuur Cabdille .

Waxaana xilligaasi wasiirka warfaafinta ahaa Ismaaciil Cali Abokor oo tixgelin gaar ah siin jiray fanka , halka uu Golaha Murtida iyo Madaddaalada qaranka (National Theater-ka) uu madax ka ahaa Maxamuud Ciise Ganey oo isagu ku geeriyooday shilkii gaadhi ee Nayjeeriya kula kulmeen hobollada Waaberi ka dib bandhigii 1977.

Tartankii ka dib sidii Hoobalka Xasan Aadan Samatar wuxuu toos ugu biiray Waaberi , halka Xarrago iyo Qalinle ay ku biireen kooxdii Onkod , Cabdi Tahliil na uu isna shaqooyin kale iska qabsaday illaa uu markii dambe udub dhexaad u noqday kooxdii dhallinyarada ee Danan .

Cabdiqaadir oo ku tartamay heesta Galaydh/Galayr oo uu isagu laxameeyey muusikada heestana uu u sameeyey Axmed Cali Cigaal oo laxanka iyo Muusik samayntaba fanka Soomaaliyeed dhexdiisa aad loogu tigxliyo , ka dib wuxuu ku laabtay magaaladiisii Gaalkacayo .

Sannadkii 1973 magaalada Gaalkacayo waxa la geeyey Masraxiyaddii caanka noqotay ee “Aqoon Iyo Afgarad” ee ay hogaaminayeen Abwaannada Siciid Saalax Axmed , Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” , Muuse Cabdi Cilmi iyo Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye . Sheekada ay xambaarsanayd Masraxiyaddan waxa wada curiyey Abwaanada aan magacooda xusay balse siddeed heesood oo ku jiray riwaayadda dhammaantood waxa sameeyay Abwaan Hadraawi .

Markii ay abwaanadaasi Gaalkacayo tageen oo ay sidoo kalena la socdaan labada Fannaan ee Shankaroon Axmed Yuusuf Sagal iyo Maxamed Mooge Liibaan waxa kulmay Maxamed Mooge iyo Cabdiqaadir Yuusuf Bagaag oo si weyn ula dhacsanaa fanka Maxamed Mooge , waxaana la sheegay in Cabdiqaadir uu aad ugaga dayday qaab heesidda Maxamed sida in aan si cad loo muujin erayga heesta (Qawso isku qabad).

Sida uu ii sheegay Aadan Cabdi Gaawe (Aadan Goobbe) oo ah Mullaxan iyo fannaan ka tirsanaa kooxdii Horseed sidoo kalena ay muddo dheer saaxiibbo ahaayeen Bagaag intii Gaalkacayo ay kooxdii Aqoon iyo Afgarad joogeen waxa curatay heesta Caynba-cayn oo ka waramaysa adduunyada iyo midabada kala duwan ee ay leedahay , waxaana heestan oo uu curiyey Cabdiqafaar Ciise Cagoole laxanka bilaabay Maxamed Mooge Liibaan , waana hees ka mid ah kuwa ay aadka ugu muraaqoodaan dadka fanka dhadhamiya duxdiisa. Dadka qaarna markay maqlaan waxayba isku qaldaan Maxamed iyo Bagaag ka heesaya .

Sidii sharciga ahayd ardaygu marka uu dugsi sare dhammeeyo waxa uu geli jiray shaqo qaran oo uu dalka ugu adeegayo (National Service) kaasi oo lagu qaadan jiray goobta Xalane la yidhaahdo ee Muqdisho , waxaana halkaasi inta badan qiimahooda faneed lagu ogaaday dad kala duwan oo ilaa maanta door laxaad leh kaga jira fanka Soomaalida . Waxaanu markii uu ka soo baxay shaqada qaran soo dhaweeyey hormuudkii kooxdii waxbarashada ee Iftiin/Iftiinka aqoonta kuwaasi oo ay xaruntooda shaqo ahayd gurigii leegada SYL ee Muqdisho. Waxaana ka mid ahaa raggaasi Abwaan Siciid Saalax Axmed , Khaliif Cismaan Cabdi oo loo garan og yahay Sayid Khaliifa, Nuur Shire Cismaan (Nuur wuxuu ahaa Hal-abuure iyo majaajileeye ka tirsanaa kooxda Iftiin sidoo kalena wuxuu noqday Wariye deegaanada Puntland uga warama BBC, ogaalkayga (Cumar Seerbiya ) wuxuu ka mid ahaa ururrada bulshada rayidka ah ee Puntland, Maxamed Aadan isaaq , Cabdiqaadir Maxamed Shirwac iyo xubno kale oo dhammaantood ahaa aqoonyahankii ay qaarkood kooxda asaaseen 1970-kii , waxaana jirtay koox kale oo magaceedu iyada ahaa Iftin kuwaasi oo ka heesi jiray Caweysyada iyo goobaha madadaalada .

Cabdiqaadir Bagaag wuxuu ahaa sida sawirkaba ka muuqata nin tuma aalladda Kabanka oo ay sidoo kale ay ka dhashaan tumista Giitaarka (Guitar) inkasta oo sida rag badan oo fanka ku jira aan loo siin Karin magaca Kabaniiste balse wuxuu ahaa nin isaga iyo saaxiibadii maaweelin kara .( Waxa kala duwan in qofku kaban tuman karo iyo in la siin karo darajada Kabaniiste, fanka Soomaalida waxa ku jira rag badan oo kabanka tuma hadana aan la raacin dadka loo yaqaanno Kaban-yaqaan) .

Cabdiqaadir-Bagaag intii uu kooxda Iftiin la shaqaynayey wuxuu qaaday heeso ay ka mid ahaayeen heesta Waxbarasho ee erayadeeda uu alifay Baashe Muuse Jaamac “Macallin Sooyaal” oo ka tirsanaa kooxda Iftiin , laxankana uu u sameeyey Sayid Khaliifa (waxaan lahaanshaha heesta ka soo xigtay waraysi laga qaaday Sayid Khaliifa) .

Marka laga hadlayo taariikhda Cabdiqaadir Bagaag waxa meel adag ku suntan in lagu majiirtay inuu yahay ninka ugu codka macaan ee illaa hadda qaaday heesta Axaddii ee erayada uu Abwaan Hadraawi ka soo dheegay heesta Sabti ee Fannaanka reer Suudaan Saalax Ibnu Baadiyah, waxaana sidaasi sheegaya marka laga yimaado dookha bulshada caadiga ah Cabdikariim Faarax Qaarey oo Jiir loo yaqaanno oo isagu laxameeyey, waxaana heestan markii koobaad qaaday Maxamed Warsame Qaasaali , ka dibna dad kala duwan sida Axmed Cawad Rabsha, Feysal Cumar Mushteek iyo Xasan Aadan Samatar.

Inta lagu guda jiro ka sheekaynta noloshii faneed ee Cabdiqaadir Yuusuf Bagaag waxa aan marnaba maskaxda qofka fanka u janjeedha ka bixin Karin heesta Gabaldaye ee ay wada qaadeen Khadra Daahir Cige , waxaana heestan oo Khadra iyo Bagaag-ba ka horraysay oo aan weydiiyey Pro Shirwac uu ii sheegay inuu lahaa erayada nin reer Hargeysa ah oo ay Xalane ku kulmeen balse aanu hadda xasuusan Karin magaciisii sidoo kale ay ku jirtay riwaayad, waxaana wada qaadayey wiil iyo gabadh kale oo aan ahayn Bagaag iyo Khadra midna .

Intaas ka dib aniga oo raadinaya lahaanshaha heestan waxaan helay sheekada Yuusuf Muxumed Maxamuud oo muddo ka mid ahaa macallimiinta dugsiyada sare ee Hargeysa kaasi oo dad aniga iga horreeyey u sheegay inuu lahaa heestan isagu , Yuusuf markii aan sheekaysanay wuxuu isna ii sheegay intii uu Cabdiqaadir Maxamed Shirwac ii sheegay hadal u dhigma oo ahaa : “ Heestan waxay ku jirtay riwaayaddii (Xaysin iyo Doog) oo uu ila alifay Cabdiqaadir Maxamed Shirwac , dhammaadka 1975 , erayada aniga ayaa alifay , laxankana waxa saaray Khadar Xuseen Diiriye oo ahaa nin reer Hargeysa ah isaga ayaana la qaaday Khadra Cali Muuse oo ahayd gabadh nagula jirtay riwaayadda . Ka dib waxa iga codsaday inaan siiyo Cabdiqaadir Yuusuf Cusmaan Currre oo ku caan ahaa Cabdiqaadir-Bagaag , sidii ayaanan ku siiyey ka dibna isaga ayaa Khadra Daahir Cige u doortay inay la qaaddo . Taas ayaana caan baxday .”.

Wixii ka dambeeyey 1976 Cabdiqaadir Bagaag wuxuu u wareegay dhanka Carabaha halkaasi oo uu muddo ku noolaa ka dib intii uuna dhicin burburkii Soomaaliya wuxuu u guuray dalka Canada , isaga oo aan door muuqda ku lahayn fanka Soomaalida ayuu sannadkii 1999 wuxuu ka qaybqaatay bandhig heeso iyo madaddaalo ahaa oo lagu qabtay dalka Canada kaasi oo lagu soo dhaweynayey Fannaan Axmed Cali Cigaal , waxaana bandhigaasi qayb ka ahaa , Faadumo Cali Nakruuma, Cabdi Xasan Dige, Maxamed Jaamac Ilkacase , Idiris Nuur Cigaal iyo Luul Cali Xasan oo ahaa laba weriye oo ka tirsanaa wasaaraddii warfaafinta xilligii dowladdii dhexe.

Cabdiqaadir Yuusuf Bagaag muddo 30 sanno ka badan oo uu Soomaaliya Qurbe kaga maqnaa 18-ka bisha January 2019 ayuu ku geeriyooday Muqdisho Alle ha u naxariisto Cabdiqaadir- Bagaag.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.