Cabdillaahi Jawaan Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay In Uu Xakameeyo Beeshiisa

0
340

Hargeysa (Sayruuq) Guddoomiyihii u horeeyey ee Komishankii Doorashooyinka ee ugu horeeyey dalka Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan),isla markaana xilka la taliyaha Madaxweynaha ee Doorashooyinka ahaa, iskana casilay, ayaa si adag uga hadlay shirkii Magaalada Burco ku dhexmaray Beelaha Subeer Awal iyo Habar-jeclo, waxaanu wax aad loola yaabo iyo ayaan darro ku tilmaamay in Salaadiintii meeraysanayso Gobolada, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu talaabo ka qaado beeshiisa iyo beelaha kale, ee qabyaalada wax ku doonaya, Muuse Biixna uu Xisbinimo ku taageero, balse reernimo aanu ku taageerin.

Mudane Cabdillaahi Jawaan u warramayay wargeyska Geeska Afrika oo ka hadlayay Shirkii Burco ku dhexmaray Beelaha Subeer Awal iyo Habar-jeclo ayaa yidhi “Waxa aad u fool xun wixii ka dhacay Burco, ee Dimuqraadiyadii ilaa iyo 2001-kii, aanu ku soo dadaalaynay, ee aftidii Dastuurka ka soo bilaamaysay, oo shan Doorasho oo madax banaan lagu galay, in maanta loo bedelo wax qabiilooyin hadyad isku siiyaan, waana arrin aad u fool xun oo god madaw taariikhda geedi socodkii Somaliland ku ridaysa, haddii aan laga joojin,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cabdillaahi Jawaan

Waxa kale oo uu baaq u diray Madaxweyne Siilaanyo “waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa inuu xakameeyo oo uu joojiyo qabaa’ilka,oo laga daayo Beelaha Awal iyo Habar Jeclo, ayaa Xisbi iskugu tagay oo hebel soo saaraya, Dimuqraadiyadu waa nin walba ninka uu doonayo waa inuu codkiisa siiya, Madaxweynaha waxaan ugu baaqayaa inuu ka soo saaro amar, oo laga joojiyo Salaadiintan ku meeraysanaysa Gobolada, ee wixiiba u bedeshay qabiil, in laga xakameeyo, Madaxweynuhu waa Madaxii Qaranka ee waxani Doorasho ma noqonayse, dhibaato ayaa inagaga imanaysa, inuu Madaxweynuhu ka joojiyo ayaan ugu baaqayaa, waana beeshisii, Madaxweynuhu wuxuu yidhi Muuse waan soo saarayaa, Xisbinimo ha ku soo saaro, laakiin reer ha ka daayo, haddii reer la iskugu tago natiijada aynu soo marnay ee khasaaraha weynu ognahay, markaas Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxaan ugu baaqayaa talaabada kala gudboon inuu ka qaado, oo beeshiisa iyo kuwa kaleba uu la hadlo,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdillaahi Jawaan,

Waxa uu intaasi raaciyay “Madaxweynuhuna waa inuu talaabo ka qaado reerkiisa, haddii kale Doorasho dhici mayso, oo 1991 iyo 1994 wixii aynu ahayn ee laga soo gudbay ee foosha xumaa, oo boogihii aynu dhaynay ayaa dib loo damqayaa, ee Madaxweyne ka hor qaad waxan dadka, umadda reer Somaliland waxaan leeyahay arintaas cadho ha ka qaadine ee is dejiya, habkii Dimuqraadiga ahaa ee aynu ku soconayna nin waliba ninka uu doonayo ha ugu coddeeyo, oo taas dib ha loogu soo noqdo.”

 

Cabdilaahi Jawaan mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dacwada ka dhanka ah Agaasimaha Komishanka la dagaalanka AIDS-ka, Cabdikariin Xinif, ee Guddida Anshaxu u gudbiyeen Hay’adda Shaqaalaha,ayaa ku jawaabay “Madaxweynaha ayaa magacaabay Cabdikariim Xinif, Guddida Anshaxa waa inay Madaxweynaha u qoraan, halkay Hay’adda Shaqaalaha uga qorayaan, isaga iyo Ragga kale ee Guddiyada Komishanada kale ka shaqeeyaba ama Saraakiisha Ciidamada, Madaxweynaha ayaa u  masuul ah, xitta Guddida Anshaxu iyaga ayaa go’aan gaadhi kara, oo odhan kara hebel talabadaas ayaanu ka qaadnay, ama waxaas ayaanu ganaaxnay, oo Madaxweynaha ayey u gudbinayaan, Hay’adda Shaqaalahana shaqadooda maaha, wixii dambi galana waxa ku shaqo leh Hay’addaha Garsoorka, markaas in Hay’addaha Garsoorka loo gudbiyo, oo talaabo ka qaadan, haddii anshaxa la doonaynaa Guddida Anshaxa laftooda ayaa awood leh ee inay awooda ku shaqeeyaan weeye, wixii iyaga ka weyna Madaxweynaha ayey u gudbinayaan, madaama uu Madaxweynuhu yahay madaxii ugu sareeyey ee Xukuumadda”

Sayruuqnews/office

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here