Cabdillaahi Jawaan Oo Ay U Suuro Gali Wayday In Uu Madaxweyne Biixi La Kulmo Muddo 4 Bilood ah

0
1,077 views
Cabdillaahi Jawaan Oo Ay U Suuro Gali Wayday In Uu Madaxweyne Biixi La Kulmo Muddo 4 Bilood ah

Cabdillaahi Jawaan Oo Ay U Suuro Gali Wayday In Uu Madaxweyne Biixi La Kulmo Muddo 4 Bilood ah

Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar Jawaan ayaa boggiisa Facebook farriin u mariyay madaxweynaha Somalland mudane Muuse Biixi Cabdi kadib markii ay suuro gal noqon wayday in uu kulan la qaato madaxweynaha muddo 4 bilood ah.

Waxa uu sheegay in uu doonayay in uu madaxweyne Biixi kala hadlo niman maxkamad la’aan xidhan muddo dheer oo uu ka mid yahay Sheekh Aadan Sunne. Waxa uu madaxweynaha ka codsaday in uu nimankaasi sii daayo maaddaama ay maxkamad la’aan iskaga xidhan yihiin wakhti dheer.

Nimanka xidhan ayaa sanadkii hore laga qabtay degmada Axmed Dhagax waxaanu boolisku ku eedeeyay in ay tababar ku samaynayeen dayr duleedka Hargeysa ah oo ay dab rid ciidan sameeyeen. Sheekh Aadan Sunne oo sheegay in aanay nimankaasi dambi gelin ayaa isna si degdeg ah looga daba xidhay.

Qoraalka Jawaan ayaa u dhigan Sidan:

Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xildiid, Marka Hore iga Gudoon Salaan, Marka Labaad Waxaan kula Socodsiinayaa: in Dani igu Qasabtay in aan Facebook Kuu Soo dhigo Talo aan kaalo maarmi waayey Mudo 4 Afar Bilood ah aan Codsanaayey in aan kula kulmo wayna ii Suuro gali weyday. Waxaan Talo Ka Dhiibanayaa Rag Laga Xidhxidhay Degmada Axmed Dhagax Hadda Mudo dheerna Xabsigu Ku Xidhnaa Waana: Sheekh Aadan-Sunne iyo Dhalinyaro Raggaasi Waxay Xaq u Leeyihiin: Dambiga Lagu Xidhay ee Lagu Eedaynaayo Garsoorkeeda Maxkamada Wixii Loo haysto Lagu ooggo oo Lagu Caddeeyo ama Xoriyaddooda Loo Soo Celiyo oo La Siidaayo Laakiin Waa Tacadi Xad Dhaaf ah in Lagu Hayo Xabsi aan Xukun Lahayn Mudadaas Dheer. Haddaba Madaxweyne Waxaan Odaynimo kuugu soo Jeedinayaa in aad Xabsiyeynta Xadhaafka ee aan Xukunka Lahayn aad kaga Siidayso Lahayonimada Xad-dhaafka ee ay ugu Jiraan Jeelka Adiga oo Adeegsanaaya Awoodaha Madaxweynenimo ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland Ku Siiyey Waxaan Kaa Sugayaa Go’aan aad Ku Galladan-Tahay Madaxweyne By: Cabdillahi Cabdi Xaaji Cumar Jawaan.

Cabdillaahi Jawaan Oo Si Adag U Hanjabay

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.