Cabdikariin Xinif Waa Bisad Muraayad Isku Eegtay Oo Libaax Isula Muuqatay: Faallo

0
134

Bishii November 2012 waxay guddidii Anshaxa doorashada goleyaasha degaanku soo saartay liiska masuuliyiin ku xadgudbay xeerka anshaxa doorashada, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) agaasimaha maamulka lacagta ee Komishanka la dagaalanka AIDs-ka “Waxa warbaahintu soo tabisay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo si badheedh ah ugu milmay, una ambo-baxay ololaha doorashada, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Maareeyaha hay’adda Waddooyinka (SRA) iyo agaasimaha maamulka hay’adda la dagaalanka Aids-ka (Solnac),”Sidaas ayay tidhi guddida oo dabakhaysay go’aan Madaxweyne Siilaanyo soo saaray iyo xeerka Anshaxa laakiin, go’aankooda waxa ku gacan-saydhay Cabdikariin Xinif waxaanu muran warbaahinta la isu adeegsaday oo weedho adag la isu isticmaalay dhex maray guddoomiyihii guddida Anshaxa Prof Axmed Maxamed Cadaad waxaanay ku dhammaatay in aan waxba laga qaban go’aankii guddida.

Sidaas si la mid ah 07-October-2017 guddida Anshaxa ee Komishanka doorashadu waxay soo saareen qaraar nuxurkiisu yahay in Cabdikariin Xinif oo shaqaalaha dawladda ka tirsan lagu daray guddida soo xulista muraaqibiinta Kulmiye sidaas awgeedna tallaabo anshax marineed laga qaado. Mr Xinif oo go’aankan ka jawaabayay waxa uu sheegay in aanu ahayn shaqaale dawladeed, islamarkaana aanu jirin sharci ololaha ka reebaya.

Waxa uu sheegay in uu arrintan u arko mid siyaasadaysan, islamarkaana mucaaradka oo isaga ka baqanaya daaha dabadiisa ka haggaan guddiyada Anshaxa isaga oo is waydiiyay su’aashan“Waar niyaw intaas oo qof oo kula mid ah ayaa siyaasadda ku jira ee maxay kugu calaamadsadeen tolow kuwan iyo kuwii horeba? Haddana waxaan is idhaahda niyaw malaha qolyahan mucaaradka si kaaga yar baq-baqanaya adiga oo hoosta ka soo gujinaya,” Sidaas ayuu yidhi Mr Xinif.

Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo ah sharci yaqaan ahna madaxa hay’adda Human Rights Center oo boggiisa Facebook ku qoray faallo arrintan ku saabsan ayaa sheegay in xeerku ka reebayo ku lug lahaanshaha siyaasadda Mr Cabdikariin Xinif “Qodobka 88aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumaddu wuxuu si cad uga mamnuucayaa cid kasta oo dawladda u shaqaysa oo ay ka mid yihiin madaxda haya’daha madaxa-banaan inay galaan siyaasadda, marka laga reebo wasiirada. Sharcigu wasiirada oo qudha ayuu u ogol yahay inay siyaasada galaan ama madaxwayne ha ku magacaabo ama imtixaan ha lagaa qaado. Clear and simple. Ila eega qodobka 88(2) ee Xeerka Nidaamka Xukuumadda: “Madaxda hay’addaha, wakaaladdaha, shirkadaha iyo mashaariicda Xukuumadda, marka laga reebo xubnaha Golaha Wasiirradda, waxaa ka reeban in ay si uun ugu lug yeeshaan siyaasadda,” Sidaas ayuu arrintan uga faallooday Mr Dafac.

Marka la eego qaab dhismeedka Komishanka la dagaalanka AIDs-ka waxaa hoggaamiya Madaxweynaha, waxaana ku xiga golaha haggidda oo ka kooban 7 wasiir, waxa ku xiga agaasimaha fulinta oo ah xogyaha golaha haggida ee wasiirrada ah, waxaana ku xiga agaasinka fulinta oo ah agaasime waaxeedyo kuwaas ayuuna ka mid yahay Cabdikariin Xinif oo waa agaasime waaxeedka Maamulka iyo Lacagta.

Haseyeeshee waxa dooddiisa ka muuqata in uu isagu xilkaas ka sarreeyo, islamarkaana aanu meelna ka soo galayn dadka ololaha laga hor istaagay. Agaasime Cabdikariin Xinif oo arrintiisu u muuqato ‘Bisad Muraayad Isku Eegtay kadibna isula muuqatay libaax,” waxa uu tijaabo u yahay wareegtooyinka Madaxweyne Siilaanyo soo saaray 30-kii September oo uu qayb ka mid ah ku yidhi “Waxa kale oo reebban in Shaqaalaha Dawladda, Saraakiisha iyo Xubnaha Ciidammada ee kala duduwani, in ay galaan ololaha doorashada ee axsaabta qaranka. Waxaan rajaynayaa in amarkaasi oo sidiisa u fulo. Cid kasta oo baal martana, waxa laga qaadi doonaa tallaabo ku habboon oo sharciga waafaqsan.”

Cabdikariin Xinif waxa uu ballan qaaday in uu is casili doono ama ka tanaasuli doono guddida lagu daray haddii garyaqaanka guud sharciyan marka uu arrintan u darso ay caddaato in Cabdikariin Xinif yahay shaqaale dawladeed, hase ahaatee kiiskan sida loo xalliyo ayaa noqon doonta mid tusaale u noqota dadka kale ee ay khusayso ee ay garba duubka siyaasadda uga xidhay digreetada Madaxweynuhu. Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Sharma’arke Geelle ayaa kiiska Mr Xinif isu dhaafiyay Madaxweynaha oo uu sheegay in uu isagu magacaabay wixii tallaabo laga qaadayana isaga la taallo sidaas awgeed waa arrin ku noqotay gondaha Madaxweynihii soo saaray wareegtada fulinteedana iyada looga fadhiyo maaddaama mucaaradka iyo beesha caalamku bogaadisay wareegtada Madaxweynaha loona arkayay arrin muhiimad weyn u leh doorashada kuna qotonta in caddaalad loo tartamo.

Faallo/ Sayruuq Staff writer

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here