Cabdikariin Qalbi Dhagax Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

0
760 views
Cabdikariin Qalbi Dhagax Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

Cabdikariin Qalbi Dhagax Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

Hargeysa(Sayruuq) Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ururka ONLF ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay madaarka caasimadda Somaliland ee Cigaal International Airport. Siyaasiyiin iyo dadweyne kala duwan ayaa calamada ururkiisa ku soo dhaweeyay.

Eng Faysal Cali Waraabe hoggaamiyaha xisbiga UCID ayaa hore u sheegay in uu casuumad u fidiyay waxaana ka dambeeyay kulan ay Nairobi kula yeesheen wasiirro ka tirsan xukumadda madaxweyne Biixi.

Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ay sanadkii hore xukumadda Farmaajo u gacan galisay dawladda Itoobiya waxa sii daayay nidaamka cusub ee Dr Abiy Axmed. Qalbi Dhagax waxa uu hore u bookhda Nairobi oo uu muddooyinkii dambe joogay iyada oo la filayo in uu Hargeysa kala kulmo soo dhawayn dawladnimo iyo mid dadweyne.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.