Cabdi Maxamuud Cumar Oo Wada Hadal U Socdo Dawladda Federaalka

0
549 views
Jawar Maxamed Oo Sheegay In Cabdi Ilay Loo Maxkamadaynayo Dambiyo Uu Oromada Ka Galay

Cabdi Maxamuud Cumar Oo Wada Hadal U Socdo Dawladda Federaalka
“Cabdi Ilay wali waxa uu ka tirsan yahay baarlamaanka iyo xisbigiisa,” Mucaaradka Oo Aamminsan In Aanu Xilka Bannayn Cabdi Ilay
Addis Ababa(Sayruuq) Xaaladda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wali ah mid hubaal la’aan ah iyada oo ciidamada Federaalku gacanta ku hayaan Jigjiga iyo magaalooyinka waaweyn sida Dhagax Buur iyo Qabridahar oo dadku dareemayo cabsi ah in aanay ogayn sida ay wax noqon doonaan.

Magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad degaanka ayaa la sheegay in shalay saacado kooban la furay xarumaha dawladda, islamarkaana dadaallo xukumaddu waddo dadku jidadka ku nadiifiyeen. Madaxda dhaqanka ayaa sidoo kale ku baaqay in xaaladda caadi lagu soo celiyo oo dadku ganacsiga dib u furo lana joojiyo cabsida dadku la qaxayo. Sida ay baahisay VOA Somali waxa shalay dib u furmay isu socodka Wajaale iyo Jigjiga oo hore u hakaday.

Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya waxa uu shalay saxaafadda u sheegay in inkasta oo aan degdeg nabadda loogu soo celin Karin gobolka Soomaalida haddana ciidamadu ku hawlan yihiin dejinta xaaladda. Wasiir Motuma Mekasa wuxuu shacabka ugu baaqay in ay joojiyaan cabsida ay ka qabaan ciidanka Federaalka oo ay doorkooda ka qaataan dejinta xaaladda gobolka.

Arrinta ugu weyn ayaa ah madaxweynihii dawlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo aan wali la ogayn waxa xukumadda Itoobiya ka damacsan tahay. Sida uu shalay galinkii dambe qoray wargeyska Addis Standard oo si dhaw ula socday xaaladda gobolka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wada hadal kula jira dawladda Federaalka waxaana si dhaw dhaqdhaqaaqiisa ula socda ciidamada Federaalka.

Idaacadda BBC-da ayaa sheegtay in xogo ay heshay sheegayaan in Cabdi Ilay ku sugan yahay guri uu ku leeyahay Addis Ababa oo ay la joogto xaas halkaasi u degan. Salaasadii wariyeyaal ku sugna Madaarka Bole oo ay diyaar Militari gaysay Cabdi Ilay oo uu soo xigtay wargeyska Addis Standard waxay sheegeen in Cabdi Ilay oo ay barbar socoto gabadh ay ku sifeeyeen Marwo iyo dad kale oo shacab ah ay ka baxeen qolka nasashada iyada oo aanay wax ciidamo ahi wehelin.

Wararka BBC-du heshay ayaa intaas ku daray in hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe dawladda Federaalku ugu yeedhay la tashi ku saabsan xiisadda gobolka iyo Cabdi Ilay. Axmed Madoobe waxa uu masuul ka ahaa soo dayntii Qalbi Dhagax ooh ore Somalia u dhiibtay. Qalbi Dhagax ayaa markii la soo daayay sheegay in Axmed Madoobe yahay qofka kaliya ee qaddiyaddiisa hor dhigay ra’isal wasaare Abiy Axmed taas oo keentay in Dr Abiy la kulmo Qalbi Dhagax kadibna la sii daayo waxaanay u muuqata in xidhiidhka Axmed Madoobe iyo Dr Abiy yahay mid fiican.

Sidoo kale diblamaasiyiinta dalalka daneeya gobolka ayaa dawladda Itoobiya kala hadlay xaaladda gobolka Soomaalida iyo maamulkiisa iyaga oo ka hor tagaya in arrintu faraha ka baxdo.

Geesta kale Mucaaradka ayaa u arka in aanay waxba iska bedelin maamulka gobolka Soomaalida. Juweeriya Cali oo shahaadada sare ee PHD ka diyaarinaysa jaamacadda Westminister ee dalka Ingiriiska oo ay Siyaasadda iyo Xidhiidhka caalamiga ka diyaarinayso kana mid ah mucaaradka ka soo horjeeda Cabdi Ilay waxay warbaahinta Observer ee Itoobiya u sheegtay in aanu xilka ka tagin Cabdi Maxamuud Cumar “Run ahaantii ma aragno wax isbedel ah oo dhacay gabi ahaanba. Cabdi Ilay wali waxa uu ka tirsan yahay baarlamaanka iyo xisbigiisa. Kuwa xilka kala wareegayna waa gacan yareyaashiisii, madaxweynaha cusubna wuxuu aad xidhiidh dhaw ula leeyahay Cabdi Ilay,” Sidaas ayay tidhi Juweeriya.
Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.